Axmed Daahir ”Waxaan ku socnaa gaadiidka aan xabadu karin maxaabiistuna waa ay nolol liitaan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somalia Axmed Cali Daahir ayaa si adag uga hadlay Nolosha ay ku jiraan Madaxda Qaran iyo tan ay ku noolyihiin Maxaabiista ku jirta Xabsiyada waaweyn ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Axmed Daahir ayaa sheegay in marnaba aysan suuragal noqoneynin inay ku socdaan gaadiidka aan xabada karin, islamarkaana Magaalada ay kaga noolaadan dabaqyo dhaadheer, halka Maxaabiista ku jirto xabsiyada ay iyaguna yihiin kuwo ku jira nolol tii ugu xumeyd.

Waxa uu sheegay in Xabsiyada Somalia ay ku jiraan boqolaal dad u xiran shaqsiyaad gaar ah iyo kuwo aan la heyn wax dambi ah kadib markii ay sameeyen baaritaano, waxa uuna tilmaamay inuusan ogolaan doonin in Maxaabiistaasi ay si maalaayacni ah isaga jiraan Xabsiyada iyaga oo aan geysan wax dambi ah.

”Baaritaano aan sameynay ayaan ku xaqiijinay in dadka ku jiro Xabsiyada ay yihiin kuwo aan badankooda lagu heyn wax dambi ah iyo kuwo u xiran shaqsiyaad ama tuhun, taasi ma aqbali doono”

”Aad ayan uga danqaday markii aan arkay nolosha ay ku jiraan maxaabiista iyo sida aan u nool nahay anaga oo ku socna gaadiidka aan xabadu karin, Saraakiisha xabsiyada ayaa laga rabaa inay noola imaadan cadeymaha ay ku xiran yihiin dadkaasi”

Taliyayaasha iyo Saraakiisha laamaha amaanka ayuu ugu baaqay inay tixraac sharciga waafaqsan ay ku sameeyan Maxaabiista ay wadooyinka kasoo uruuriyeen, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in sharciga ay wajihi doonaan waa hadii aysan cadeymo u keenin dadka u xirxiran.

Geesta kale waxa uu maxaabiista ugu baaqay inay sabar muujiyaan, waxa uuna u balanqaaday inay heli doonaan sharci lagu kala sooco maalmaha soo socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com