Banaanbaxyo xooggan oo Muqdisho ka socda iyo shacab careysan + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweyne Badan ayaa banaanbaxyo ka dhigaya magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka carooday dil askari ka tirsan ciidamada dowladda uu u geystay ruux Bajaajle ahaa.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana dadka banaanbaxa dhigaya ay gubeen Taayaro, iyagoo sidoo kale xiray goobo ganacsi oo ku yaala goobta banaanbaxyada ka dhacayaan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in askariga dilay mooto bajaajlaha sidoo kale inuu dilay ruux rakaab ahaa oo Bajaajta saarnaa, waxaana uu dhaliyay banaanbaxyada xoogan ee halkaasi ka socdo.

Dad badan oo wadayaal Mooto Bajaajta iyo shacab badan ayaa banaanbaxa dhigaya, waxaana ay dalbanayaan in cadaalada la horkeeno ruuxa dilka ka dambeeyay.

Ma jiro ilaa iyo hadda cid ka hadashay dilka iyo banaanbaxyada ka dhacaya isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo dadka banaanbaxa dhigaya ay sheegeen inaysan joojin doonin banaanbaxa ilaa laga qabto askarigii dilka geystay.

Dika kadib ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa tegay goobta, iyaga oo meesha ka qaaday meydka Darawalka Mooto bajaajlaha ahaa, waxaana sidoo kale dhaawaca ruuxa kale loo qaaday isbitaalka ku yaalla degmada Howlwadaag.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inka  badan 20 ruux oo bajaajlayaal ah ku dilay magaalada Muqdisho, waxaana kaliya ilaa iyo hadda cadaalada la horkeenay labo askari.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com