Xildhibaanada BF oo kulan xasaasi ah yeelanaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeelanaya xarunta golaha shacabka, waxaana kulanka ajandihiisa uu ahaa mid horey loo shaaciyay.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah ka doodista dhanka amaanka, waxaana xildhibaanada baarlamaanka la doonayaa inay dood ka yeeshaan arrimaha amaanka dalka.

Kulamadii ugu dambeeyay ee baarlamaanka ayaa u baaqday arimo la xiriira dhanka amaanka, waxaana socday muddooyinkii u dambeeyay kulamo guddoomiyaha baarlamaanka uu la qaadanayay xildhibaanada mucaaradka.

Isniintii lasoo dhaafay waxaa baaqday kulanka xildhibaanada baarlamaanka ay ku yeelan lahaayeen golaha shacabka, waxaana kadib kulamo xiriir ah ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta waxaa kaliya khudbado dhanka amaanka ah laga dhageysan doonaa xildhibaanada baarlamaanka ee aragtiyada kala duwan dhiibanaya, waxaana kadib Maalinta Beri ah la filayaa in xildhibaanada ay hortagaan saraakiisha amaanka.

Wasiirada Gaashaandhiga iyo amniga xukuumada Kheyre ayaa sidoo kale Beri hortagaya baarlamaanka Soomaaliya, waxaana gabi ahaanba beri warbaahinta laga joojiyay xarunta golaha shacabka, sida aan xogta ku heleyno.

Maalmihii lasoo dhaafay Caasimadda waxaa ka dhacay Qaraxyo u badan Miinooyin la dhigay dhinacyada laamiyada qaar ee Muqdisho, waxaana shalay oo ugu dambeysay degmooyinka Kaaraan iyo Shibis ku dagaalamay Ciidamo ka kala tirsan Booliiska iyo Militariga Soomaaliya.

Su’aalaha ugu badan ee Xildhibaanada ayaa ku foorari doona mas’uuliyiinta amniga sida Wasiirka Amniga iyo Taliyaasha Ciidamada sidaas waxaa Warbaahinta u sheegay mudanayaasha qaarkood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com