Bandowgii Muqdisho saarnaa oo si iskiis ah u qaadmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo afjarmay Bandowgii ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay magaalada Muqdisho xiliyada habeenkii ah wixii ka dambeeyo 8:00 pm (habeenimo).

Caasimada Online ayaa hubisay in ugu yaraan 4-tii habeen ee la soo dhaafay magaalada ka jirin Bandow, islamarkaana magaalada ay gaadiidka si weyn u shaqeynayeen ilaa saqda dhexe ee habeenkii ah.

Sidoo kale Caasimada Online waxay tagtay goobihii ay joogi jireen ciidamada booliska ee Bandowga kuwaas oo aan imaanin wax ku dhaw todobaad.

Goobaha ay gaadiidka iyo dadweynaha sida weyn ugu shaqeeyaan islamarkaana aan ciidan lagu arag waxaa kamid ah Xamarweyne, Maka Al-Mukarama, KM4 iyo xaafadaha Muqdisho oo dhan oo qaarkood aan marnay halka kuwa kalane aan la hadalnay dad ku sugan.

Ma jiro war rasmi ah oo dowladda ka soo baxay kaas oo lagu qaadayo Bandowga magaalada hase yeeshee waxaa muuqata in dowladdu fasaxday xayiraadii magaalada.

Meelaha qaar ayaa lagu arkayaa ciidamo boolis ah oo dadka lacag uga qaadanayo haddii ay diidaan dib ugu celinaya halkii ay ka yimaadeen iyagoo sabab uga dhigaya Bandow balse ay ujeedku yahay iney wax helaan.

Magaalada Muqdisho ayaa u muuqata inuu aad ugu sii yaranayo COVID-19 taasina ay sabab u tahay in Bandowga uu soo gaba gaboobmo inkastoo aysan dowladdu shaacin arrimahaan