Dagaal-ooge Khaliifa Xaftar oo ciidankiisa u diray farriin la xiriirta Turkiga

Benghazi (Caasimada Online) – Taliyaha xoogagga mucaaradka Libya dagaal-oogel Khaliifa Xaftar ayaa ciidankiisa ugu baaqay in ay isu arursadaan sidii ay ula dagaali lahaayeen Turkiga oo Dowladda fadhigeedu yahay Tripoli ee ay Hafter is-hayaan ka caawiyay in ay caasimadda ka weeciyaan hirka colaadda militari

Horumarkii ay dhowaan sameeyeen ciidanka Dowladda Caalamku aqoonsanyahay ee ay ku qabsadeen  saldhigga ciidanka cirka, ayaa hakiyay guluf sanad jiray oo ay wadeen ciidanka Khaliifa Xaftar ee loo yaqaan LNA (Libya National Army).

Ciidanka Dowladdu waxay sidoo kale yareeyeen halistii xoogagga Xaftar ee ay taageeraan Imaaraadka Carabta, Ruushka iyo Masar ay ku qaadi lahaayeen weerar cirka ah.

Sabtigii todobaadkii tegay, ciidanka dowladda caalamku aqoonsanyahay waxay horay ugu siqeen degmooyin ka tirsan magaaladda Tripoli halkaas oo ay sheegeen in ay kasoo saareen miinooyin iyo qaraxyo ay geliyeen Ciidanka Xaftar.

Ciidanka Xaftar waxa ay sheegeen in ay dib uga gurteen goobo dhowr ah, laakiin ay sidoo kale weerar ku qaadeen xeradda militariga ee Yarmouk ayna dileen islamarkana qabteen kuwii kasoo horjeeday.

Farriin maqal ah oo uu soo duubay Xaftar ayuu ciidankisa ugu sheegay in ay la dagaalamaan waxa uu ugu yeeray gumeysiga Turkiga ilaa iyo ay ka adkaadan, waxaana uu soo qaatay taraiikhda mar ay Cusmaaniyiintii maamuli jireen Liibiya.

“Waxaad abuureysaan heybad inta aad la dagaalameysaan gumeysiga damciyay kheyraadkeena,” ayuu yiri Xaftar “Dagaalna ku ekeeya dhammaan kuwa idinka soo horjeeda, dagaal aysan ka dhalan waxaan guul ka ahayn.”

Hadalka Xaftar waxaa la bahiyay iyadoo Madaxweyne Trump uu codsaday in si deg-deg ah loo damiyo xiisadda dagaalka Liibiya isagoo la hadlay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in dalkiisu uu badelay dagaalkii Libya islamarkaana uu ka weeciyay dagaal sokeeye.

“Xalka keliya ee Libya waa xal siyaasadeed, Xaftar-na waxaa uu u baahan yahay in uu taas fahmo,” ayuu yiri wasiirka.

Awoodda dhanka cirka ah ee Turkiga ay ku taageereen dowladda Libya, iyo ciidamo laga keenay Syria, ayaa wax weyn ka beddelay xaaladda dagaalka Libya, islamarkaana hakiyey isku day socday 14 bilood oo Khaliifa Xaftar uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya.

Guul-darrooyinka Xaftar ayaa waxaa horseeday diyaaradaha drone-ka Turkiga oo burburiyey habkii difaaca gantaallada Pantsir ee Ruushku ay sameeyeen, kuna caawiyeen Xaftar.