Ciidamada DF oo Muqdisho ku toogtay rag hubeysan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska degmada Howlwadag ee gobolka Banaadir ayaa goor dhaw degmadaas ku toogtay laba nin oo sida la sheegay dadka shacabka ah dhac u geysanayey.

Sarkaal ka tirsan ciidanka fuliyay howlgalkaas ayaa sheegay in ragaas mid kamid ah ay dileen, halka kan kelana ay dhaawac ku qabteen.

Sidoo kale waxa uu sheegay labadaas nin ay xaafado ka tirsan degmada Howlwadaag dadka uga furanayeen taleefanada iyo agabyadooda kale, isla markaana ay wateen dariiska ciidamada dowladda iyo laba qori.

Midkii dhaawaca ahaa ayuu sheegay salkaalkan inay gacanta ku hayaan, halka kii kale meydkiisa loo qaaday xarunta dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID-da.

Labada nin ayaa sida la sheegay waxa ay wateen mooto Bajaaj, dadka deegaanka ayaana ku war geliyay ciidamada booliska, taas oo fududeysay inay ka howlgalaan. sida uu noo xaqiijiyay sarkaalkaas.

Xaafado badan oo ka tirsan Muqdisho xilliyada habeenkii ah waxaa sidaan oo kale dadka shacabka ah loogu  geystaa dhac, iyadoo kooxaha falalkaas geysanayana la sheegay inay badankood wataan dareyska ciidamada dowladda.