Somaliland oo shaacisay kiisas badan oo Covid-19 ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka maamulka Somaliland oo soo saartay warbixin cusub ayaa shaacisay kiisas hor leh oo la xiriira cudurka sida deg-dega ah ku faafa ee Coronavirus oo laga diiwaan-geliyey deegaanada maamulkaasi.

Warbixinta wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in 14-kii saac ee la soo dhaafay cudurka laga helay illaa 35 ruux, kadib markii lagu sameeyey baaritaan caafimaad.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sidoo kale  tilmaamay 24 ka mid ah dadkaasi ay yihiin rag, halka 11-ka kalena ay yihiin Dumar.

Sidoo kale wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in 14 ka mid ah dadka laga lehay xanuunka ay ku nool yihiin Boorama, Burco 8 qof, Hargeysa iyana 8, Berbera oo 2 ruux qof, Laascaanood sidoo kale 2 qof iyo Allaybaday oo 1 qof, sida lagu sheegay warbixinta.

Dhimashada ayey sidoo kale wasaaradu ku sheegtay hal qof oo haweeneyd aheyd, taas oo ku nooleyd magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka Coronavirus deegaanada Somaliland ayaa waxa ay haatan mareysaa illaa 203 ruux, halka dadka ka bogsaday ay gaarayaan 19 qof.