Saciid Deni oo shaaciyey in DF Soomaaliya ay colaad ka hurineyso Somaliland

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku lug leedahay falal sababi kara dagaal ka qarxa gudaha deegaanada Somaliland.

Deni ayaa sidoo kale dowladda dhexe ku eedeyay inay cadaadis ku saareyso Somaliland qorshayaal ay rabto inay wax uga baddelato, kuwaas oo aan u ‘wanaagsanayn daganaashaha Soomaaliya’.

Madaxweyne Deni ayaa ka gaabsaday in uu cadeeyo waxa ay yihiin qorshayaashaas, waxuuna eedeyntan ku wajahan dowladda dhexe, kusoo bandhigay wareysi uu siiyey telefishinka BBC Somali.

”Waxaan maqleynaa inay xukuumadda waxyaabo badan si hoose u waddo, oo ah waxyaabo weliba sababi kara iney dagaallo dhacaan. Waxaa ka mid ah oonu ognahay inay gacan dhaafto maamulka Somaliland oo ay qabaa’ilka toos ula hadleeyso oo ay dadku ka horkeeneyso dowladda Somaliland” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale Deni ayaa sheegay in Puntland ay soo dhaweyneyso heshiis laga gaaro qaddiyadda Somaliland, balse dowladda federaalka ayuu tilmaamay inay wado,  “Qorshe aan la isku raacsanayn oo ay rabto inay Somaliland wax kaga bedelato, kuwaas oo aan la isku afgaranin una wanaagsanayn wada noolashaha” sida uu hadalka u dhigay.

Deni waxa uu ka gaabsaday in uu faahfaahiyo waxa ay qorshayaashaasi yihiin. ”Inaga ma rabno in aan qaadano doorka ay leedahay dowladda federaalka, laakiin waxaan diyaar u nahay inaan qeyb ka ahaano in kastoo aysan jirin wax talo ah oo nala weydiiyay, balse haddii taleedeena loo baahdo doorkeena waan qaadanaynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Puntland Saciid Deni.