Faysal Cali Waraabe oo ku baaqay kulan ka dhan ah Muuse Biixi iyo kacdoon ka socda gudaha Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in la qabto kulan lagu xisaabinayo xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Guddoomiye Faysal ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay Baaq xasaasi ahaa oo ay dhawaan soo saareen qaar kamid ah dadweynaha reer Somaliland, kaasi oo lagu dhaliilayey xukuumada Bixii iyo gaabis ku yimid dadaaladii baadi-goobka loogu jirey Ictiraafka.

Faysal Cali Waraabe ayaa Baaqaasi ku tilmaamay mid loo baahna oo ay tahay in lagu daro ficil, si looga midho dhaliyo toosinta hogaanka ay saluuga ka muujiyeen.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in la qabto Kulan isla xisaabtan ah, kaasi oo ka qeyb galaan Aqoonyahanka reer Somaliland ee dal iyo dibedba, kaasi oo lagu saleynayo aragti dan guud ah, siduu hadalka u dhigaye.

“Intaaba waan idina La qaba, laakin waxaa loo bahanyahay in ficil lagu daro oo dadkiina dibada jooga aad gudaha dalka timaadaan.  Ka bacadi la abaabula shir xisaabtan oo aragti dan guud leh” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Wuxuuna intaas kusii daray “Midkaasi oo uu salkiisuna yahay dhidib u taaga Dawlad waanaag Casri ah oo ku shaqeeysa sharci Iyo cadaalad oo loo wadda dhan yahay”.

Hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa kusoo aadaya xili uu gudaha Somaliland ka socdo kacdoon ka dhan ah hogaaminta Muuse Biixi, iyada oo laga deyrinayo hanaanka cadaaladeed ee garsoorka Somaliland.