DHOOBO-DAAREED oo ka hadlay khilaafka Puntland, lana saftay Axmed Karaash

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee haatan u dhexeeya madaxda sare ee maamulkaasi.

Dhoobo-Daareed oo bixiyey wareysi dheer ayaa eedeyn u jeediyey Madaxweyne Siciid Deni, wuxuuna sheegay inuu ka soo horjeedo in talada Puntland ay wax ku yeeshaan xubnaha ugu dhow ee la shaqeeya sida ku xigeenkiisa iyo guddoonka baarlamaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in khilaafka hada jira uu ka dhashay markii madaxweynuhu diiday inuu la tashado ku xigeenkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynuhu wuxuu dulmiyay xuquuqdii yarayd ee uu dastuurku siiyay Madaxweyne ku xigeenka oo ah inuu la tashado. tashigu sidiisaba waa dastuuri khasab ah inuu Madaxweynuhu la tashado ku xigeenkiisa,” ayuu yiri Cabdixakiin Dhoobo-Daareed.”

Ugu dambeyhn wuxuu ku baaqay in lagu dhaqmo, lana ilaaliyo dastuurka iyo shuruucda u taalla Puntland, si looga kaashaanto dib u dhac ku yimaada horurmarka maamulkaasi.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan uu fikta sare gaaray khilaafka u dhexeeyey Madaxweyne dowlad goboleedka Puntland, Siciid C/laahi Maxamed (Deni) iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo isku hayo awooda maamulkaasi