Wasiir ka tirsanaa Puntland oo u geeriyooday COVID-19

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday wasiirkii deegaanka iyo beeraha maamulka Puntland, Marxuum Ismaaciil Diiriye (Gama’diid) oo maalmahaan la xanuunsanaa cudurka faafa ee Coronavirus.

Geerida wasiir Gama’diid ayaa waxaa goor dhow xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedlka Soomaaliyeed ee Puntland.

AUN Ismaaciil Diiriye (Gama’diid) ayaa muddooyinkii dambe waxaa lagula taacalayey xaaladdiisa magaalada Muqdisho, kadib markii dhowaan xaalad caafimaad looga soo qaaday magaalada Garoowe oo uu kula dhacay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Puntland ayaa ka mid ah deegaanada uu sida daran u sameeyey cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo haatan fara ba’an ku haya guud ahaan dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa war ka soo saaray geerida Marxuum Gama’diid, wuxuuna tacsi u diray golaha xukuumadda iyo sidoo kale hellada maxmuuka oo uu alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Halkaan hoose ka aqriso:-

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo goordhoweyd caabuqa covid-19 ugu geeriyooday Muqdisho.

Alle ha u naxariistee Wasiir Gama’diid wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanada Puntland, hadana ka mid ahaa xubnaha Golaha Wasiirada oo runtii shaqo wanaagsan u hayey dalka iyo dadka.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa Goleyaasha Dowladda, gaar ahaan golaha xukuumadda, shacabka Puntland,eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay marxuum Wasiir Ismaaciil Diiriye Gama’diid, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.