Xog: Mursal, Muudeey iyo Cabdi Xaashi oo uu dhex-maray khilaaf culus oo gacan ka hadal ku dhowaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay magaalada Muqdisho 20-kii bishaan ku yeesheen guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo guddiga wadajirka ah ee ku howlan dhameystirka sharciyada xoojinaya sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo hadallo kulul.

Kulanka Arbacadii la soo dhaafay dhacay ayaa waxaa hareeyay doodo kulul islamarkaana sababay iney si kulul oo anshax aheyn iskula hadlaan guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey iyo guddoomiyaasha labada gole ee baarlamanka Soomaaliya.

Dooda iyo hadalada kulul ee dhaxmaray mas’uuliyiintan ayaa sababay in dhamaan muuqaaladii laga tir-tiro weriyaal xarunta ku sugnaa iyo kuwa muuqaalada duuba oo xarunta baarlamaanka ka tirsan.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ay isku khilaafeen arrimo quseeyo doorashooyinka Soomaaliya iyo muddo kordhin ay dalbadeen guddiga warbixinta laga dhageysanayay.

“Ma jirto wax muddo kordhin ah oo la sameynayo, Mursal iyo Cabdi Xaashi, dalkaan idinka ayuu idinka socon la’yahay, guddiga howshiisa uma madax banaana, sharciyada sidaan ka dhig ayaa 24 saac dhahdaan, iney doorasho dhacdo ma rabtaan waxaa ka shaqeyneysaan dib u dhac ee yaan dadka been loo sheegin,” ayuu yiri Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey.

Hadalka Muudeey ayaa sababay dood kulul iyo eedeyn la isu jeedo, taas oo markii dambe keentay in weriyaasha laga tir-tiro muuqaalladii ay qabsadeen iyo in hadalo kulul la isu adeegsado.

Lama oga halka ay ku dambeyn doonto doorashada Soomaaliya oo aan wali go’aan rasmi ah laga gaarin balse waxaa muuqaata iney ku kala fogaan hogaanka Soomaaliya oo aragtiyo kala qaba siyaabo kala duwana u raadinaya in doorashada loo qabto.

Guddiga wadajirka ah ee ku howlan dhameystirka sharciyada ayaa la filayey 27-ka bisha ay soo gudbiyaan sharciga doorashooyinka, oo ay kusoo dareen qodobada ka dhiman, balse waxaa lagu warramayaa in waqtiga loo kordhiyey.