Kenya oo codsatay in hakin aan waqti go’an lahayn lagu sammeeyo kiiska badda

Hague (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa codsigii ugu dambeysay ee ay u dirtay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ku dalbatay in hakin aan waqti go’an lahayn lagu sameeyo dhageysiga kiiska badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, waxaa sidaas muujinaya warqaddii codsiga ee ay Nairobi dirtay.

Warqadda codsiga oo ku taariikheysan 24-ka April, ayaa Kenya waxay ku dalbatay in kiiska si rasmi ah loo joojiyo sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

“Kenya waxa ka codsaneysaa maxkamadda inay hakin aan waqti lahayn ku sameyso sii wadista kiiska, islamarkaana u ogolaato dhinacyada iyo maxkamadda inay waqti cusub ku heshiiyaan marka ururka caafimaadka adduunka ee WHO uu si rasmi ah ugu dhowaaqo inuu dhamaaday cudurka COVID-19,” ayaa lagu yiri warqadda Kenya.

Cudurka COVID-19 ayaa la rumeysan yahay inuu qaadan karo ilaa laba sano in dunida laga cirib-tiro, waxaana taariikh cusub oo kadib laga hadlo ay kiiska dib u dhigi lahayd saddex illaa afar sano.

Si kastaba, inkasta oo maxkamadda ay ogolaatay codsiga dib u dhigis ee kiiska, haddana waxay diiday hakin aan mudeysneyn, waxayna kiiska u goysay in dib loo billaabo bisha March ee 2021.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda isku dayday inay hor-istaagto in kiiska gebigiisba dib loo dhigay ayada oo codsatay in lagu qabto hab muuqaal oo online ah, balse ku guul-darreysatay.

Waa markii saddexaad ee kiiska dib loo dhigo, waxaana dib u dhigistan ugu dambeysay macnaheedu yahay inay suurta-gal tahay in xukuumadda iminka ee Soomaaliya aysan joogin marka kiiska dib u billowdo bisha March ee 2021, sida la qorsheeyey.