Imaaraadka oo si carro leh uga fal-celiyey gargaar ay u direen Falastiin oo la diiday

Ramallah (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dadka isticmaala baraha bulshadda ee Imaaraadka Carabta u dhashay ayaa si adag uga falceliyay diidmadii maamulka Falastiin ee kaalmo daawo ah oo uga timid Imaaraadka, taasi ay usoo marsiiyay Israel.

Ra’iisul Wasaaraha Falastiin Mohammad Shtayyeh ayaa sheegay in Imaaraadka Carabtu uusan Falastiin kala shaqayn keenista daawada.

Falastiiniyiinta ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay in ay hogaamineyso dadaalladda lagu hagaajinayo xiriirka u dhaxeeya Israel iyo Carabta.

Muranka ka dhashay kaalmadda daawada ah waxaa uu sii kordhiyay xiisada u dhaxaysa Imaaraadka iyo Falastiin. Xiriirka u dhaxeeya labada waddan ayaa adkaa tan iyo markii Maxamed Dahlan oo laga eryay Falastiin uu u guuray Imaaraadka, sanadkii 2011. Maamulka Falastiiniyiintu waxay Dahlan xilligaas ku eedeeyeen musuq maaliyadeed iyo in uu ka shaqaynayo in xilka laga tuuro Maxamuud Cabbaas.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Falasiiniyiinta ayaa u sheegay wargeyska The Jerusalem Post  in dhacdada la xiriirta kaalmadda daawada ah loo nakhshadeeyay in lagu ceebeeyo Maxamuud Cabbaas iyo maamulka Falastiiniyiinta.

Maalmihii lasoo dhaafay, muwaadiniin u dhashay Imaaraadka ayaa Twitter-ka u adegsaday in ay Maxamuud Cabbaas ku eedeeyaan in uu mas’uul ka ahaa diidmada kaalmadda dawada ah ee wadankoodu siiyay Falastiin.

Waxay sidoo kale Wasiirka Caafimaadka ee Falastiin Mai al-Kaila si carro leh ugu eedeeyeen in uu Imaaraadka ku eedeynayo guuldaradiisa ah in daawada toos loogu wareejiyo Dowladda Falastiin.

Hamad Al-Mazroui, oo ka mid ah dadka siyaasadda u dhaq-dhaaqa ee u dhashay Imaaraadka Carabta, ayaa aad u eedeeyay maamulka Falastiin, waxaana uu soo qaatay sawirka Maxamed Dahlaan oo uu hoos uga qoray “Madaxweynaha Falastiin.”

Mohammed Al-Hammadi, oo ah saxafi iyo qoraa u dhashay Imaaraadka, ayaa ku qoslay hadal uu wasiirka Caafimadka Falastiin ku sheegay in kaalmadda daawada ah ee loo soo mariyay Israel ay tahay “madaxbanaanidii Falastiin oo laga tanaasulay.”

Al-Hammadi waxaa uu tilmaamay in maamulka Falastiiniyiintu uusan diidi jirin kaalmadda Turkiga ee uu soo marin jiray Israel.

Mahmoud Al-Sahlawi, oo ah khabiir dhaqaale kana soo jeeda Imaaraadka, ayaa Twitter-ka ku qoray “Kaalmadda waa la diiday sababtoo ah waxaa loogu talogalay caafimaadka waxayna faa’iidu ugu jirtaa bukaanka. Haddii ay diyaaraddu sidi lahayd dollar, Mr. Cabbas waa uu qaadan lahaa.”

Majed al-Raeesi, oo taxliiliya siyaasadda sidoo kalena kasoo jeeda Imaaraadka, ayaa qoraal ku yiri “ kalmadda dawadu muhiim maahan. Hadii kaalamadu ay lacag ahaan lahayd lama celiyeen. Ilaaheey ha ka caawiyo falastiiniyiinta maamulka tuugada ah ee Falastiiniyiinta.”

Al-Raeesi waxaa uu sheegay in maamulka Falastiin uu kaalmadda u diiday cadaadis uga yimid Qatar iyo Turkiga.

Eyad Nasir, oo ah afayeenka Maxamuud Cabbaas, ayaa si adag u cambaareeyay ololaha Imaaraadku ku cambaareynayo Cabbaas iyo maamulka Falastiiniyiinta. “Ololahaan nacaybka ah waxaa uu muujinayaa in laga tegay anshaxii iyo dhaqankii,” ayuu yiri Nasr.