Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madax-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa galay khilaaf gudaha ah, kadib markii afar ka mid ah komishineerradiisa ay soo saareen bayaan rasmi ah oo ay ku diideen waxa ay ku tilmaameen ku milanka siyaasadeed ee qaar ka mid ah hoggaanka sare ee guddiga, arrintaas oo ay la xiriiriyeen doorashadii 28-ka Maarso 2026 ka dhacday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in xubnaha saxiixay ay mowqifkooda ku saleynayaan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xeerka Lr. 16 ee 2016 ee lagu aas-aasay GMXIQ, iyo mabaadi’da caalamiga ah ee hay’adaha xuquuqul insaanka lagu hago, gaar ahaan Paris Principles, kuwaas oo dhigaya in hay’adaha noocan ahi ay ahaadaan kuwo madax-bannaan, dhexdhexaad ah, kana fog ku lug lahaanshaha siyaasadda.
Afarta komishineer ayaa si gaar ah u sheegay in Xoghayaha Guddiga, Marwo Fadumo Cabdiqani Yuusuf, ay muujisay taageero siyaasadeed oo hal dhinac ah oo la xiriirta dhacdooyinkii ka dhacay Baydhabo, taas oo ay ku tilmaameen fal ka hor imanaya waajibaadka sharci iyo anshaxeed ee saaran xubnaha guddiga. Waxay sheegeen in arrintaasi dhaawaceyso mabda’a dhexdhexaadnimada iyo madax-bannaanida ay tahay in guddigu ku shaqeeyo.
Sidoo kale, bayaanka ayaa mas’uuliyad dusha ka saaray Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryan Qaasim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Mudane Mohamed Haaruun, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku guuldarreysteen inay qaadaan tallaabo sharciyeed iyo mid maamul oo ku habboon arrintaas. Qorayaasha bayaanka ayaa ku dooday in aamusnaanta ama wax-ka-qabasho la’aanta hoggaanka sare loo fasiri karo dayacaad xil-gudasho, taas oo yeelan karta cawaaqib sharciyeed.
Komishineerrada bayaanka soo saaray waxay sidoo kale xuseen in sida ku cad Qodobka 18-aad, Faqradda 1-aad ee Xeerka Lr. 16 ee 2016, ku milanka siyaasadda, jebinta mabda’a dhexdhexaadnimada, ama gudasho la’aanta waajibaadka shaqo ay noqon karaan sabab keeni karta xil-ka-qaadis ama luminta xubinnimada guddiga.
Waxay sheegeen in xaaladdan ay dhaawacayso kalsoonidii dadweynaha lagu qabay GMXIQ, isla markaana ay abuureyso walaac sharci iyo mid hay’adeed oo ku saabsan awoodda guddiga ee ilaalinta xuquuqda aadanaha si caddaalad iyo dhexdhexaadnimo leh. Sidaas darteed, waxay si cad u diideen in guddiga loo adeegsado dano siyaasadeed, waxayna dalbadeen in la qaado tallaabooyin sharciyeed iyo kuwo hay’adeed oo lagu difaacayo madax-bannaanida hay’adda.
Ugu dambeyn, saxiixayaasha bayaanka ayaa ugu baaqay dhammaan xubnaha GMXIQ inay ku ekaadaan waajibaadka dastuuriga ah iyo kuwa sharciyeed ee loo igmaday, kana fogaadaan fal kasta oo dhaawici kara sumcadda, madax-bannaanida iyo kalsoonida hay’adda.
Bayaanka waxaa saxiixay Komishineer Axmed Sheekh Xamza Abshir, Komishineer Dr. Maxamed Cismaan Maxamuud, Komishineer Avv. H.E. Muumino Sheekh Omar, iyo Komishineer Dr. Omar Cabdulle Alasow.


