Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Hindiya u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Adarsh Swaika.
Wasiirka ayaa safiirka ka guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsigiisa, taas oo ka dhigan tallaabada ugu horreysa ee uu si rasmi ah u bilaabayo howlaha diblomaasiyadeed ee uu ka fulinayo dalka.
Safiirka Hindiya, Dr. Adarsh Swaika ayaa la sheegay in fadhigiisa rasmiga ah uu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu ka wakiil yahay danaha dalkiisa ee Soomaaliya.
Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xiriirka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya, kaas oo salka ku haya iskaashi iyo is-afgarad muddo dheer soo socday.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah, si looga dhigo mid si wax ku ool ah uga faa’iideeya labada dal.
Waxaa intaas dheer in labada dhinac ay isku raaceen in iskaashiga jira loo beddelo mashaariic horumarineed oo miro dhal ah, kuwaas oo si toos ah u taaban kara nolosha shacabka.
Ugu dambeyntiina, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa safiirka cusub u rajeeyay inuu si hufan oo guul leh u guto waajibaadkiisa shaqo inta uu xilka hayo.










