DF oo heleysa lacag $100 milyan ah oo loogu deeqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Adduunka ayaa lacag malaayiin dollar ah u ansixiyey Soomaaliya, taas oo loogu talagalay hormarinta dhaqaalaha dalka, si loo gaaro heerarka dhammeystirka ee barnaamijka dayn cafinta ee dalkeenna Soomaaliya.

Lacagtaan oo gaareysa illaa 100 milyan oo dollar ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay maamulka sare ee Bangiga Adduunka, si loogu taageero dowladda federaalka.

Ujeedada ayaa ah horumarinta dadaallada dowladda ee ku aadan daah-furnaanta maaliyadeed iyo kordhinta dakhliga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Bangiga.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in deeqdaan lacageed la waafajin doono nidaamyada kastamka ee federaalka iyo hagaajinta maamulka maaliyadeed ee dowladda.

Kristina Svensson oo ah Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya oo ka hadleysay taageeraadaan dhaqaale ayaa sheegtay in sidoo kale wax looga qaban doono abaaraha.

“Howlgalkani waxa uu kordhin doonaa maaliyadda dowladda si wax looga qabto xaaladda abaarta, iyada oo la sii wadayo dib-u-habaynta horumarka lagu gaarayo deyn cafinta Soomaaliya,” ayay tiri Kristina Svensson, Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in lacagtani aqeyb ka mid ah Soomaaliya looga taageerayo la-dagaalanka Ayaxa oo weli fara ba’an ku haya dalka.

Si kasta ha’ahaatee duullaanka uu Ayaxu ka geystay Soomaaliya ayaa saamayn ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 degmo oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% dhaqaalaha dalka.