Itoobiya oo ku dhowaaqday tallaabo ay qaadeyso oo dhulka Somalia saameyneysa

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Galbeed Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo gaaray jiida hore ee dagaalka u dhaxeeya kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka dowlad deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dowlad deegaanka u maleeyaan Soomaaliya oo kale.

“Al-Shabaab waxay ku tarmeen dalka Soomaaliya, marka meel kasta waxay u maleeyaan Soomaaliya oo kale, waxay isku deyayaan inay dadka gumeeyaan oo dalal shisheeye ay dagaalka soo faro-geliyaan, laakiin maanta waa u cadaatay inay ku khasaartay isku deygaan,” ayuu yiri Mustafe.

Madaxweyne Cagjar oo TVga maamulkiisa kula hadlay xadka gobolak Hiiraan uu la wadaago dhulka dowlad deegaanka ayaa wacad ku maray inay abuuri doonaan aag ka caagan argagixisada oo ka baxsan deegaanka ismaamulka Soomaalida.

Wuxuu sheegay in sababta ku kalifeysa inay aagaas sameeyaan ay tahay inay ka feejignaadaan dhagar dambe oo Al-Shabaab ay u soo maleegaan dowlad deegaanka.

“Dadkeenu uma baahna cadow, wijigii hore ee howlgalka waan soo gabagabeynay, meelo yar ayey ku harsan yihiin, maalmaha soo socda qorshaheenu waa inaan abuurno aag ka caagan argagixisada oo ka baxsan degaanka naga, sababtoo ah ma sugi karno cadow inta uu noo imaanayo, inaan halkaan ku sugnana maaha,” ayuu yiri Mustafe Cajgar.

Hoos ka dhageyso