Waafow oo la sheegay inuu camal aad u wanaagsan ku guda jiray markii la qarxiyey

Marka (Caasimada Online) – Gudoomiyihii degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed (Waafow) ayaa shalay lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Degmada, xilli la sheegay inuu soomanaa.

Maxamed Cismaan Cali (Yariisow), Gudoomiyihii hore ee Degmada Marka, haatana ah Xoghayaha Dowladda Hoose ayaa sheegay in gudoomiyuhu soomanaa markii ismiidaamiye Al-Shabaab ka tirsan uu isaga iyo dad kale oo la joogay uu isku qarxinayay.

Waxaa uu sheegay inay shir ka soo wada baxeen gudoomiyaha kahor intii aanu naftii halligaha isku qarxin afaafka hore ee Xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Marka.

“Isagoo sooman ayaa qaraxaasi uu cadow la beegsaday, Allaha u naxariisto intii dhimatay, intii dhaawacantayna ha caafiyo,” ayuu yiri Yariisow oo VOA la hadlay.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo isna BBC la hadlay ayaa tirada dadka qaraxaasi ku dhintay ku sheegay 13 qof, waxaana ku dhaawacantay buu yiri shan kale.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan ayaa qoraal ku sheegay inuu bartilmaameedku ahaa guddoomiye Waafow.

Mareykanka ayaa cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay degmooyinka Afgooye iyo Marka oo galaaftay nolosha 19 qof, halka 23 kalena ay ku dhaawacmeen

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sheegay inaanan intaan kadib gacmaha laga laaban karin dhagarta mintidiinta Al Shabaab, waxaana uu ku baaqay in hal meel looga soo wada jeesto, haddii ay maalin kasta beegsanayaan dadka indhaha u ah bulshada.