Barakac ka bilowday Gedo kadib hadalkii wasiir Janan

Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in shacabka gobolka ay billaabeen iney barakacaan iyagoo ka cabsi qaba inuu mar kale dagaal ku qabsado guryahooda.

Cabsida dadka gobolka Gedo, gaar ahaan shacabka ku nool magaalada Beled Xaawo ayaa kusoo aadeysa xilli wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu iclaamiyay weerar ka dhan ah ciidamada dowladda ee jooga Gedo, isla markaana uu shacabka reer Gedo ugu baaqay iney isaga fogaadaan aagga dagaalka.

25-kii bishaan ayey aheyd markii dagaal xoogan uu ka dhacay magaalada Beled Xaawo halkaas oo ay Ciidamada dowladda ku adkaadeen, sidoo kalana ay gacanta ku dhigeen ciidamo isku soo dhiibay.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee dhanka dowladda Soomaaliya Axmed Buulle Garee ayaa warbaahinta u sheegay in Shacabka magaalada Beled Xaawo iyo deegaanada kalaba ay bilaabeen ine isaga cararaan gobolka.

Wuxuu ku sifeeyay arintaan iney cabsi galisay hanjabaadii uu saxaafadda mariyay wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Magaalada Beled Xaawo iyo deegaanada kale ee gobolka Gedo ayaa xaalad daganaan ah ku jira, balse shacabka waxey ka cabsi qabaan in dushooda lagu dagaalamo mar kale iyagoo war moog ah, halkaasna ay khasaaro kasoo gaarto.