Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa baaritaan dheer iyo dabagal ku sameysay dhibaatooyin dhinaca amniga ah oo ay muddooyinkii la soo dhaafay wajahayeen qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho.
Sheekadan ayaa ku saabsan dhacdooyin kala duwan oo ka dhacay xaafadda Kaawo Godey oo kala qeybisa degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ee gobolka Banaadir, kuwaas oo sababay barakac xooggan oo ka socda xaafadda, oo dadkii deganaa ay isaga guurayaan.
Xaafadan oo deegaan ahaan horumar sameyneysay sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka dilaacay ciidan u abaabulan qaab Beeleed, kuwaas oo dhibaato ku haya deegaanka.
Caasimada Online ayaa ogaatay in tacadiyo badan ay ciidankaasi ka geysteen Kaawo Godey, kuwaas oo isugu jira dil, kufsi, dhac iyo dhibaatooyin kale.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in xaafaddu aysan laheyn wax saldhig ah, islamarkaana aysan ka howlgalin ciidan Boolis ah oo ka shaqeeya amniga.
Dadka aan la hadalnay ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka jooga halkan ay yihiin koox aan ka amar qaadan wax maamul dowladeed ah, kuwaas oo lacago baad ah ka qaada goobaha ganacsiga iyo haddii la dhisanayo xaafaddaasi.
“Xaaladda amni ee Kaawo Godey aadbey u liidataa walaal, malahan ciidan sugo amnigeena waxaa dhibaato nagu hayo maleeshiyaad hubeysan oo shaarka dowladda nooga qaato lacago baad ah, dad badan ayaa xaafadda ka guuraya.” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marar badan dhibaatooyinkan ay la wadaageen maamulka degmada, basle aysan jirin cid ka jawaabtay baaqooda.
Waxa kale uu xusay in hadda ay xaaladdu ka sii dartay, islamarkaana dharaar cad la’is dhacayo, habeenkiina ay ka sii daran tahay oo guryaha dadka loogu galayo.
Dadka shacabka ah waxa kale uu sheegay inay hadda bilaabeen in guryahooda ay ka barakacaan, una wareegsadaan xaafado kale oo ku yaalla isla Muqdisho.
“Dadka shacabka ah waxa ay bilaabeen inay guryahooda ka barakacaan oo ijaar ka dagaan xaafadaha kale ee nabdoon.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.
Xiriiro aan la sameeynay mas’uuliyiin ka tirsan maamullada degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dhibaatooyinkaasi.
Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Banaadir ee uu hoggaamiyo Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayey ugu dambeyn dadkani ka codsadeen inuu u soo gurmado, islamarkaana uu wax ka qabto amni darrada baahsan ee ka jirta halkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com