Sawirro: Axmed Madoobe oo dalacsiiyey taliye sugayey amniga doorashada Jubaland

Kismaayo (Caasimada Online ) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dalacsiiyey Saadiiq Maxamuud Dhogor oo ah taliyaha ciidanka amniga garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Jubbaland ayaa darajada Gaashaanle Dhexe loogu xiray Saadiiq Dhogor oo ka mid ahaa sarakiishii sida gaarka aheyd uga shaqeysay amniga doorashadii dib loogu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Khudbad uu Madaxweynaha Jubbaland ka jeediyey madasha ayuu ku sheegay in taliyuhu dalacsiintan ku muteystay dadaal badan iyo karti uu la yimid.

Sidoo kale wuxuu ku booriyey saraakiisha kale ee Jubbaland in ay labo jibaaran shaqooyinka adag ee ay u hayaan dadka reer Jubbaland.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid uu Axmed Madoobe ugu abaal gudayo dadkii ka shaqeeyey doorashadii muranka dhalisay ee dib loogu doortay hoggaanka Jubbaland.