Barnaamij wacyi galin xuquuqda aadanaha oo laga hir-galiyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib barnaamij ballaaran oo wacyi galin ah, kaasi oo ku saabsanaa dhowrista xuquuqul insaanka , oo mudda dhowr maalmood ah ka socday qaar ka mid ah xerooyinka dadka soo barkacayay ,ayaa waxaa shali si rasimi ah loogu dhawaaqay hirgalinta mashruucaas wacyi galinta ah .

Mashruucaan  oo ay iska kaashanayaan e hay’adaha caalamiga ah ee cilmi barista, Tana Copendhagen iyo IDC, ayaa waxa uu ahaa ujeedkiisa u-guurgalka dhibaatooyinka heysta dadka kunool xerooyinka barkacayaasha, ee kuyaala dagmooyinka Hodan,Dayniile iyo dagmada Kaxda. Inta ay socotay baaristaan ayaa waxaa la ogaaday in ay jiraan dhibaatooyin baahsan ee si joogta ah ay u wajahaan dadkaasi.

Siminaara wacyi galin,  iyo shirar ballaaran ka dib kuwaasi oo lala yeeshay maamulayaasha xerooyinka ayaa leysku raacay in si wada jira loo shaqeeya ayada oo xera kasta ay iskaashi wada shaqayn la yeelaneysa maamulka dagmada ay ku taala si looga hortaga dhibaatooyinka soo lab laabtay ee haysta barakacayaasha  .

Sidoo kale waxaa  kulamadaasi ka dhashay in magaca horjooge ee loo yaqaana dadka maamuula Kaamamka barakacayaasha ,in lagu madala ,magaca maamule ,madaama eeyga horjooge uu yeelan kara macana badan oo qaarkood aan fiicnayn.

Gudoomiya kuxigeenka arimaha bulshada dagmada Dayniile Jacfar C/qaadir iyo gudoomiya kuxigeenka dagmada Hodan Abukar Salad, ee arimaha bulshada oo ka hadlay goobihii lagu daahfurayay mashruuca waciy galinta ayaa waxa ay dhankooda ka maamul ahaan ,ay balan qadeyn in ay la shaqayn doonaan maamulayasha dagmooyinka iyo si loo dhowra ququuqda dadka ku nool xerooyinka aan rasmiga ahayn .

Maamulayaasha xerooyinka ayaa iyana sheegay in dhankooda ay wada shaqyn buuxda la yeelan doonaan dadka ay masuulka ka yihiin iyo maamulka dagmada ay ka tirsanyiiin iyo walib in ay si buuxda u dhaqan galin doonaan, waxyaabihii ay ku barteen mudadii ay socdeen siminaarada wacyi galin ah.

Waxaa xusid mudan, in waxa ugu badan ay ay ka sheegtaan dadka barkacayaasha in ay tahay kufsi lagula dhaqaaqa haweenka kunool xerooyinkaas , sidoo kale waxaa laga hadlay  jir-dil  dhan ka ah haweenka iyo caruurta oo inta badan ka dhaxdhaca barakacayaasha  dhexdooda , iyo waliba dhibaatada gudniinka fircooniga oo ah caada xun oo wali ka jirta xerooyinka barakacyaasha.

Si kastaba ha ahaatee waxaa shaki ku jirin maqnaansha kaalinta dowladnima ee ku aadan barkacayaasha kumaanaanka ah ee ku nool guryahay ka sameeysan sandaqadaha ku baahsan dhamaan dagmooyinka gobalka Banaadir, taasi oo hadii aan loo helin qorsha dowladeed oo sax ah abuuri kara mustqabalka dhibaatoyin dhinacyadan oo ku soo laabanaya bulsha ku dhaqan gobalka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com