Wasiir si dadban ula wareegay xilkii Xasan Sheekh (Maxaa ka jira in beesha caalamka…?)

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa noqday mas’uulka ka faa’iideystay xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya.<

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar ayaa si ka duwan wasiirada kale maamuus ku helay xaaladda ay gashay Soomaaliya iyo xilligii sharciga ahaa ee ka dhamaaday madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiir Hadliye wuxuu hadda Soomaaliya u metelaaa dhammaan shirar caalamiga ah ee dibadda, wuxuuna kasoo muuqday shirkii Golaha Guud ee Q/Midoobay, wuxuu kaloo ka qeyb galay shir madaxeedkii Midowga Afrika ee dhowaan ka dhacay dalka Koonfur Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kasoo gaari waayay inuu Muqdisho yimaado muddo laba bilood ka badan, wuxuuna saldhig ka dhigtay magaalada Nairobi halkaasoo isaga uga socdaalo shirarka faraha badan ee uu Soomaaliya u metelo.

Wax jira warar sheegaya in hay’ado badan oo caalami ah oo QM ay ku jirto ay diideen in Xasan Sheekh uu ka qeyb galo shirarkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com