Yaa kamid ah mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa caleemo saarka Cosoble?

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe ku qulqulaaya Mas’uuliyiin dhowr ah oo ka kala tirsan Madaxtooyada Somalia, Maamul Goboleedyada iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Mas’uuliyiintaani ayaa waxa ay halkaasi uga qeybgalayaan Munaasabada Caleemasaarka Madxaweynaha maamulka HirShabelle Cosoble iyo ku-xigeenkiisa.

Mas’uuliyiinta ka qeybgaleysa Munaasabada ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, Madaxweynaha Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Somalia Michael Keating, Wasiiro, Xildhibaan iyo Siyaasiyiin.

Munaasabada ayaa goor dhow ka bilaabatay Hoolka shirarka, waxaana lagu wadaa in la dhageysto Khudbadaha Mas’uuliyiinta.

Khudbadaha ugu muhiimsan ee lawada sugaayo ayaa ah tan Xassan Sheekh, Wakiilka QM iyo Khudbada Madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in lasoo afjaro munaasabada, waxaana sidoo kale shir gaar ah qaadan doona Madaxweyne Xassan iyo Cosoble.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com