Koofi oo ka qeyliyay warar ay faafiyeen dadka Qurba joogta ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha laanta Socdaalka dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Koonfi, ayaa si adag uga hadlay wararka sheegaya in Dowlada Somalia ay dhibaato ku heyso dadka qurba joogta ah ee kasoo degaaya Garoonka Aadan Cadde.

Koofi waxa uu sheegay inay jiraan dhalinyaro farabadan oo ka qeyliyay qaabka ay ciidamada amaanka u sugayaan amniga Garoonka waxa uuna beeniyay inay jiraan dad si gaara loogu dhibaateeyo Garoonka.

Waxa uu sheegay in Dowladu ay ahmiyada koowaad siineyso amniga Garoonka, sidaa darteedna dadka ka dhoofaaya Garoonka iyo kuwa kasoo degaaya looga baahan yahay inay raali ku noqdaan in howlaha amniga ay u sabraan.

Waxa uu sheegay in dadka Qurba joogta ah ay dhibsanayaan in lagu sameeyo baaritaan waxyaabaha ay wataan iyo koontaroolka oo adag, waxa uuna dalbaday in loo dulqaato maadaama dalka uu ku jiro xaalad amni darro.

Taliye Koofi ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya uu xil ka saaran yahay xaqiijinta ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo sidoo kale in la baaro macluumaadka ay wataan dadka Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya dalka dibadiisa.

Maxamed Aadan Koofi ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya ay dadka qurbo joogta ah ay ku dhibto garoonka xilliyada ay kasoo deganaayaan.

Haddalka Koofi ayaa imaanaya iyadoo dhalinyarada ay dowlada u dhiibatay adeegyada Garoonka ay yihiin kuwo qaabab khabiil u kala ficla dadka musaafiriinta ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com