Video: Ugaas Xasan oo maanta soo saaray warkii ugu cuslaa

Beledweyne (Caasimada Online) – Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa si kulul u beeniyay wararka sheegaya in lagu qanciyay inuu ka qeybgalo Caleemasaarka Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cosoble iyo Ku-xigeenkiisa.

Ugaas Xasan waxa uu sheegay inaanu waligii aadi doonin magaalada Jowhar, waxa uuna cod dheer ku sheegay in mowqifkiisa uu yahay kii hore.

”Beenta leyga abuuray waxa ay gaartay in la yiraahdo Ugaas Xasan ayaa Muqdisho jooga waxa uuna kusii jeeda magaalada Jowhar, Anigo fudfudeed intaa la’eg maqabo Jowhar iyo Muqdisho waxaa ii ah Beledweyne”

Ugaas Xassan waxa uu intaa ku daray hadalkiisa ”Waxaa halkan ka cadeynayaa inaan Jowhar marnaba tagi doonin, mana tagayo, waxyaabaha aan shalay ka wada hadalnay Cali C/llaahi, kama wada hadlin Hiiraan iyo Shabeelle ee war qabiil ayaa ka wada hadalnay, siyaasad kama hadlin”

Waxa uu intaa raaciyay ”Cid kasta oo Soomaali ha ogaato, aniga Hirshabeelle kuma jiro, wax shaqo ahn kuma lihi”

Ugaas Xassan waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay dooneyso inay colaado ka dhex huriso dadka degan Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxa uuna ka digay in laga faafiyo hadalo uusan sheegin.

Ugu dambeyn Ugaaska ayaa ku baaqay in la ilaaliyo Nabadgelyada magaalada Beledweyn, isagoo ugu baaqay shacabka inay Nabadgelyada adkeeyaan, si aan fowdo iyo qalalaaso looga dhex abuurin sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com