Dagaal culus oo ka socda Gaalkacyo iyo hubka culus oo lagu garaacaayo deegaanada…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dagaal aad u xoogan ayaa waxa uu hadda ka socdaa Magaalada Gaalkacyo kaasi oo u dhexeeya maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa ka socda Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxa ayna labada dhinac isku adeegsanayaan Hubka aadka u culus.

Hubka Culus iyo kan fudud ayaa waxaa laga maqlayaa dhamaan Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu bilowday kadib markii ciidamada Puntland ee jooga Maxjarka ay Hubka culus ku tuureen ciidamada Galmudug ee horfadhiya.

Dagaalka ayaa waxaa horboodaya Taliyayaasha kala hogaamineysa labada ciidan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu kusii faafo deegaanada ay labada ciidan ku dagaalamayaan.

Dagaalkaani ayaa waxa uu barbar socdaa dagaalo maalmahaani u dhexeeyay labada dhinac.

Ma jiro wax war ah oo kasoo kala baxay labada maamul ee uu dagaalka u dhexeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com