Xog ka cusub dagaalka Gaalakcyo iyo khasaaraha oo la shaaciyey

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaal culus oo ka socda Galbeedka magaalada Gaalkacyo kaasi oo u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka oo ilaa hadda socda ayaa waxaa la sheegayaa inay ku dhinteen ilaa 7 ruux oo ay ku jiraan ciidamo kala taabacsan labada maamul.

Dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa sidoo kale la sheegay inay gaarayaan ilaa 14 Ruux kuwaasi oo badi la dhigay isbitaalada Koonfurta iyo sidoo kale Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo .

Madaxda isbitaalada Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in dagaalka hadda socda uu ka dhashay khasaaro lixaad leh waxa ayna xaqiijiyeen inay jiraan dhaawacyo la la’ yahay qaab lagu soo gaarsiiyo Isbitaaladooda.

Waxaa sidoo kale jira meydad wali dhooban wadooyinka goobaha lagu dagaalamay kuwaasi oo ay ku jiraan ciidamo labada dhinac kala taabacsan.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulada Galmudug iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com