Sawirro: Madax aan muddo is arag oo ku kulmay Caleemasaarka Madaxweynaha HirShabelle & Ku-xigeenkiisa

Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa goor-dhow xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Jowhar lagu soo gaba-gabeeyay Munaasabad lagu Caleemmosaarayay Madaxweynaha Maamul goboleedka Hir-sahabeelle, Cali Cadullaahi Cosoble, taas oo ay ka qayb-galeen Mas’uuliyiin kala duwan.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Somalia, Maamul Goboleedka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin.

Dhanka Beesha Caalamka ayaa waxaa ka qeybgalay munaasabada Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michaeal Keating, Danjiraha Jaamacadda Carabta, Safiirka Shiinaha, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.

Madaxda munaasabada ka qeybgashay ayaa magaalada Jowhar ku tagay Diyaarad Helicopter oo ka degtay garoonka kubadda cagta ee Xaafada Kulmis, oo aan sidaa uga fogeyn hoolka shirarka ay ka dhaceyso Munaasabada.

Madaxdaani ayaa Khudbadaha ay jeedinayeen ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Maamulka cusub ee Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa.

Isniintii la soo dhaafay ayay aheyd markii magaalada Jowhar lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Cali Guudlaawe Xuseen.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
jowhar-2

jowhar-3

jowhar-4

jowhar-5

jowhar-6

jowhar-7

jowhar-8

jowhar-9

jowhar-10

jowhar-11

jowhar-12

jowhar-13

jowhar-14

jowhar-15

jowhar-16