Isticmaalka iyo ka ganacsiga sigaarka oo laga mamnuucay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraalo ay daabaceen warbaahinta dalka Turkmenistan, ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Turkmenistan ay gabi ahaan mamnuucday isticmaalka iyo ka ganacsiga Sigaarka.

Warbaahinta oo xiganeysa Madaxtooyada Turkmenistan, ayaa sheegtay in amarkaasi uu kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Gurbanguly Berdimuhamedow oo ah Madaxweynaha dalka Turkmenistan, ayaa sheegay in wadankiisa aan lagu dhex cabi karin Sigaarka isla markaana ay mamnuuc tahay in goobaha Ganacsiga lagu iibiyo Sigaarka.

Websaytka Wararka ee Chrono-TM, ayaa kamid ah warbaahinada lagu daabacay amarka uu Madaxweynaha ku mamnuucaayo isticmaalka Sigaarka.

Waxa uu qoray in la mamnuucay in Sigaarka lagu iibiyo dalkaasi, iyadoo Ganacsadihii lagu qabto isagoo goobtiisa Ganacsi ku iibinayo Sigaar lagu ganaaxi doono lacag dhan 1,200 EURO.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Turkmenistan ayaa ku yaalla Bartamaha Qaaradda Asia, waxa uu xuduud la leeyahay dalalka Uzbekistan, Afganistan iyo Iran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com