Maxaa ka jira in Xasan Sheekh uu qorsheynayo in mar kale…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Dowladiisa ay u tafaxeydaneyso dib u dhac mar kale lagu sameeyo Jadwalka Doorashada Somalia.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in Dowladiisa aysan diyaar u aheyn inay wakhti lumis ku sameyso xiliga doorashada waxa uuna carabaabay in doorashada ay dhici doonto xiligeeda.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay jiraan kooxo khaswadayaal ah oo mar waliba faafiya wararka lagu duraayo dowlada kuwaasi oo uu sheegay inay faafiyeen warka la xiriira in doorashada Somalia ay dib u dhaceyso mar kale.

Waxa uu sheegay in dowladiisa ay hadda soo gabagabeysay dhammaan waxyaabihii caqabada ku ahaa doorashada sida dhismaha maamul Goboleedyada dalka.

Doorashada ayuu sheegay inaysan dhaafi doonin xiligeeda waxa uuna meesha ka saaray inuu jiro damac la xiriira wakhti dheereysi.

Waxa uu ballanqaaday in doorashada dalka aysan ka dib dhici doonin xiligeeda, waxa uuna si cad u sheegay inuu jiro cadaadis kaga imaanaya saaxiibada caalamka.

Madaxweynuhu waxa uu ku celceliyey inay Dowladda Federalka ka go’an tahay Taaba-gelinta Xilliga Doorashadda, iyadoo uusan dib u dhac kale ku imaanin.

Haddalka Xassan Sheekh ayaa imaanaya iyadoo maalmo un ka hor Wakiilka Beesha Caalamka u jooga Somalia uu shaki ka muujiyay qabsoomida doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com