Xasan Sheekh oo dhagaha ka fureystay beelaha ka soo jeeda Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka caga jiidaaya wax ka bedelka cabashooyinka kasoo yeeraya beelaha kasoo jeeda Somaliland.

Madaxweyne Xassan oo dhowr jeer loo gudbiyay cabashooyinka ku saleysan saluuga tirada Somaliland laga siiyay Aqalka Sare ee DFS, ayaan haddana wax jawaab ah ka bixin cabashooyinkaasi.

Dadka kasoo jeeda deegaanada Somaliland ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayuu sidoo kale diiday inuu kala xaajoodo cabashadooda, waxa ayna taasi sii fogeysay rajadii laga lahaa in dadkaasi ay wax la wadaagan Qabaa’ilada kale ee Soomaalida.

Mar wax laga weydiiyay sababta uu uga aamusan yahay qeyla dhaanta kasoo yeereysa Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa ka gaabsaday inuu cadeeyo sababta uu uga gaabsanaayo cabashadaasi.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha kasoo jeeda deegaankaasi ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa horay u sheegay inaysan ka qeybqaadan doonin doorashada 2016-ka sababo la xiriira kalsooni darro ay kala kulmeen dowlada Somalia.

Lama oga waxa uu Madaxweyne Xassan Sheekh ka damacsan yahay Qabaa’ilada kasoo jeeda Somaliland ee qeybta ka ah beelaha ay Dowlada Somalia xaqirtay xuquuqdooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com