Mareykanka oo soo saaray war ay Ethiopia aad u dhibsatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u socdaalan dalka Ethiopia iyo dhammaan Goboladiisa kuwanabdoon iyo kuwa ay ka jirto xaalada cakiran.

Digniin ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibedda dalka Maraykanka ayaa waxa muwaadiniintaasi looga digay inay u dalxiis tagaan dalka Ethiopia.

Waaxdu waxa ay sheegtay in dalka Ethiopia ay weli ka socdaan kacdoono lagu carqaladeynaayo amniga iyo xasiloonida taa oo ay suuragal tahay inay saameyn ku yeelato muwaadiniinteeda dalkaasi ku sugan.

Sidoo kale, waaxdu waxa ay ka digtay in dadkeeda ku dalxiisa goobaha lagu caweeyo ay yareeyan socodkooda, sababo la xiriirta amni darro ka taagan dalka Ethiopia.

Digniinta Dowlada Mareykanka ayaa kusoo beegmeysa iyadoo maalmo un ka hor ay dowladda Ethiopia soo saartay Xukun Degdeg oo socon doonta muddo 6 bilood ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com