Xog: Yaa ka danbeeyay Ugaaska Xawaadle in uu diido caleemo saarka Cosoble

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu sabab u ahaa in Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif u diido ka qeybgalka Caleemasaarka Madaxweynaha HirShabelle.

Madaxweyne Xassan ayaa la sheegay inuu xiriir toos ah la sameeyay Ugaaska isagoo ku wargaliyay inuu ku khasban yahay ka qeybgalka munaasabada caleemasaarka bacdamaa laga gudbay caqabadihii uu abuuraayay.

Madaxweyne Xassan waxa uu Ugaaska u cadeeyay in mowqifka Dowladu uu yahay in laga takhluusiyo Siyaasadiisa si labada maamul loo mideeyo.

Madaxweyne Xassan waxa uu Ugaas Xassan u sheegay inay ka guuleysteen isla markaana ka wadeen ragii garbaha u ahaa, balse loo baahan yahay inuu kusoo biiro maamulka cusub maadaama uu keligii yahay.

Dowladiisu ayuu sheegay inay ka dhamaatay sabarka, sidaa darteedna uusan u hakan doonin maamulka cusub, hase yeeshee waxa uu ku booriyay in dadkiisa uu dhinac ka raaco.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif dhag jalaq uma uusan siinin haddalka kasoo yeeray Madaxweyne Xassan balse waxa uu dhankiisa ka xaqiijiyay in mowqifkiisa uu yahay mid ka fog kan ay wadato dowlada Somalia.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxa uu diiday inuu usoo jilco Dowlada Somalia, waxa uuna meesha ka saaray in dowlada qudheeda ay tahay mid cadaalada ku shaqeysa.

Mudooyinkii ugu danbeeyay ayaa waxaa sii fogaanaayay xiriir Siyaasadeedka Madaxweyne Xasan iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxa ayna taasi keentay in Ugaaska uu carqaladeeyo dhammaan waddooyinkii loo mari lahaa dhismaha maamulka HirShabelle.

Ma cadda goorta uu Ugaas Xasan Ugaas Khaliif qaadan doono wadahadalka waxa ayna dadka qaarkood qabaan in Siyaasada Ugaaska ay tahay mid fog oo aan la saadaalinkarin.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com