Barnaamijkii ugu muhiimsanaa DALKA oo u hakaday lacag la’aan haysata DF

Barnaamijka Soomaaliya ee “Aada Dugsiyada”, oo ay xukuumadda federaalka ku ballan qaadday in ay hal milyan oo carruur Soomaaliyeed ah ku siiso waxbarasho lacag la’aan ah, ayaa haddana caqabad kale la kulmay markuu ku biloowday habsaan iyo isaga oo aan haysan kharashkii loogu talo galay.

In ka badan 300 oo macallin oo ka shaqeeya gobolka Benaadir ayaa ku dhawaaqay in ay shaqo joojin bilaabayaan Khamiista (16-kii January) ka dib markii ay xukuumaddu siin wayday mushaarkooda oo buuxa bishan ku saddex, sida laga soo xigtay Guddiga Ururka Macallimiinta Aada Dugsiyada ee gobolka Banaadir.

“Waxaan go’aan ku gaadhnay in aan shaqada joojinno ka dib markii aan waynay xuquuqdeenii, waxaanan shaqada ku laabanaynaa marka nala siiyo xuquuqdeenna,” Maslax Xaashi Dhoore, oo ah guddoomiyaha ururka oo 23-jir ah, ayaa yiri.

Wuxuu sheegay in ay 316 macallin ku jiraan ururka waxayna 40,000-50,000 oo arday wax ku baran 17 dugsi oo ku yaala Muqdisho.

“Waxaan heshiis la saxiixannay agaasimaha waxbarashada ee Wasaaradda Hawlaha Guud 7-dii September,” ayuu yidhi. “Heshiisku wuxuu dhigayay in nala siiyo $200 bil walba, laakiin illaa hadda waxaan helnay $300 oo kaliya, waxaa hal mar nala siiyay $200 mar kalena waxaa nala siiyay $100, marka waxaa naga maqan $700.”

Guddiga Ururka Macallimiinta Aada Dugsiyada ee gobolka Banaadir ayaa usbuucii hore u codeeyay in la bilaabo shaqo joojintooda 16-kii January, 2014. [Cabdi Macallim/Sabahi]
Guddiga Ururka Macallimiinta Aada Dugsiyada ee gobolka Banaadir ayaa usbuucii hore u codeeyay in la bilaabo shaqo joojintooda 16-kii January, 2014. [Cabdi Macallim/Sabahi]
Dhoore wuxuu sheegay inuu ururku ku dadaalay inuu la xidhiidho wasaaradda si loo siiyo mushaarkooda, laakiin “way diideen in ay na qaabilaan.”

Waaxda waxbarashada iyo macallimiinta oo eedeeymo is waydaarsaday

Agaasimaha Waxbarashada Maxamed Cabdulqaadir Nuur ayaa garwaaqsadey in aan macallimiinta la siin mushaarkooda oo dhammaystiran, laakiin wuxuu sheegay in ay xukuumaddu qorshaynayso in ay arrinta si degdeg ah wax uga qabato.

“Mushaarka macallimiinta, oo ah $200, badhkiis waxaa bixiyay [Santuukha Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF)] waxaana xukuumadda laga filayay in ay bixiso badhka kale,” Nuur ayaa ku sheegay waraysi uu 19-kii January siiyay raadiyaha ay xaruntiisu Muqdisho tahay ee Goobjoog. “Waxa macalimiinta hadda ka maqan waa qaybtii dawladda.”

Faahfaahin kama uusan bixin sababta ay qaybtii dawladda ee mushaarka macallimiinta wali u maqan tahay, wuxuuna ku gaabsadey in uu yidhaahdo dhammaan shaqaalaha dawladda ayuu mushaarku ka daahaa.

Wuxuu yidhi macallimiintu waa ay ku degdegeen go’aankooda ah in ay shaqada joojiyaan.

“Waan maqalnay cabashooyinkooda, laakiin waxaan ka filaynay in ay sugaan illaa inta aan ka soo raadinayno lacagta mushaarkooda,” ayuu yidhi.

Laakiin macallimiinta shaqo joojinta sameeyay qaarkood ayaa sheegay in ay ka soo tageen shaqooyin lacag fiican ay kaga qaadanayeen dugsiyo gaar loo leeyahay si ay ugu shaqeeyaan dawladda.

Cabdinasir Axmed Cali, oo ah macallin 31-jir ah oo shaqo joojin sameeyay, ayaa sheegay inuu qaadan jiray $230 markuu u shaqeeynayay iskuul gaar loo leeyahay.

Wuxuu sheegay inuu hadda ka shalaayay go’aankiisii ahaa inuu noqdo shaqaale dawladeed.

“Waxaan rabay in aan qaranka u shaqeeyo, laakiin waan ku hungoobay. Wax ma dhigi karo mushaar la’aan. Xittaa bas raac ma heli karo hadda,” ayuu yidhi Cali, oo xisaabta ka dhiga dugsiga dhowaan dib loo furay ee Dugsiga Macallin Jaamac ee ku yaala degmada Xamar Weyne ee Muqdisho.

Xalima Muxiyadiin, 24-jir, oo ah macalimad iyaduna shaqo joojin sameeysay, ayaa sheegtay in mushaar la’aantu aysan ahayn dhibaatada kaliya ee macallimiinta haysata.

“Wasaaraddu ma aysan bixin manhaj qaran oo loo isticmaalo in carruurta wax loogu dhigo,” ayay tidhi Muxiyadiin, oo maaddada Soomaaliga ka dhigta Dugsiga Maxamuud Hilowle ee degmada Dharkenleey. “Markii aan shaqada bilownay waxaa naloo sheegay in nala siin doono manhaj qaran oo carruurta wax loogu dhigo, laakiin waxaan wali carruurta u dhignaa manhajka UNICEF.”

“Waxaa sidoo kale na haysta dhibaato la xidhiidha qalabka kale ee aan wax ku dhigno sida jeestada, oo mar walba go’da,” ayay tidhi. “Sidoo kale ma jiraan kormeer iyo wada xisaabtan.”

Astaamo muujinaya fashil dawladeed?

In aan macallimiinta iyo shaqaalaha kale ee muhiimka ah la siinin mushaar waxay astaan cad u tahay in ay dawladnimadu fashilantay, ayay tidhi Caasha Isxaaq, oo ka soo shaqeeysay macallinimo iyo maamul taniyo burburkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre.

“In aan meel la saarin mushaarka macallimiinta iyo askarta ammaanka sugta waxay muujinaysaa sida aysan dawladdu ugu diyaarsanayn in ay horumar keento,” ayay tiri, iyada oo raacisay in lacag isticmaalka dawladda ay ka maqan tahay wada xisaabtanka iyo hufnaanta. “Sidoo kale, ma jiro qorshe cad oo lagu maamulo lacagta dawladda.”

Waxaa jira malaayiin doolar oo lacagta dadweynaha ah oo maqan oo ay xukuumaddu u isticmaali kartay in ay ku bixiso mushaaraadka iyo adeegyada guud, ayay tidhi Isxaaq.

Waxay sheegtay in ay dawladdu isku daydo in ay sameeyso barnaamijyo soo jiita dadweynaha, laakiin aysan jirin wax dhammaystir ah.

“Tusaale ahaan, Aada Dugsiyada wuxuu kor u qaaday rajada boqolaal kun oo waalid iyo carruur ah. Waxay ahayd tallaabo horumar leh oo ay qaadday xukuumaddu, laakiin waa musiibo qaran marka uu barnaamij noocaas ah fashilmo,” ayay tidhi.

Faarax Xuseen, oo kormeere u ah barnaamijyada waxbarashada ee Wakaaladda Muslimiinta Afrika ee Soomaaliya, ayaa yidhi fashilka iskudaygii ugu horreeyay ee waxbarasho lacag la’aan ah lagu siinayay kumanaan caruur Soomaaliyeed ah oo halis ugu jira in ay nolosha ka dhacaan waxay niyad jab weyn ku tahay muwaadiniinta.

“Haddii aysan xukuumaddu tallaabooyin degdeg ah qaadin oo aysan la imaan qorshe cad oo lagu badbaadinayo Aada Dugsiyada, waxay khasaare u tahay qaranka,” ayuu yidhi.

“Carruurta wax la barayay ee aan horay u helin fursad ay wax ku bartaan waxay ku noqon doonaandarbi jiifnimo, koolo dhuuq iyo in ay hub qaataan oo ay maleeshiyo noqdaan,” ayuu yidhi.

‘Fadlan sii wada inaad wax dhigtaan’

Xasan Daa’uud, oo ah arday 13-jir ah oo dhigta Dugsiga Macallin Jaamac, ayaa sheegay in uu ka murugaysan yahay inuu guriga joogo oo uu sugi la’ yahay in uu iskuulka ku noqdo.

“Waxaan dhiganayay maaddooyin badan oo kala duwan oo ay ka mid yihiin xisaabta, Soomaaliga iyo Ingiriiska,” ayuu yidhi, isaga oo raaciyay in uu wax badan bartay ta niyo markuu iskuulka bilaabay sannadkan. “Waxaan dawladdeena uga mahad celinaynaa in ay na siisay waxbarasho lacag la’aan ah waxaanan macallimiinta ka codsanaynaa inay sii wadaan in ay wax dhigaan.”

Tan iyo markii ay shaqo joojintu bilaabatay, Makka Xaaji Cabdi, oo ah 45-jir, ayaa sheegtay in shanteeda carruur ah oo iyaguna dhigta Dugsiga Macallin Jaamac ay tagayeen iskuulkooda subax walba iyaga oo rajo ka qaba in ay macallimiinta ku qanciyaan in ay dib u bilaabaan duruusta.

“Waxaan u mahad celinaynaa dawladda; waxay sameeysay wixii ay awoodday laakiin lacag yar ayay haysataa maaddaama aan ka soo kabanayno [dagaal],” ayay sheegtay, iyada oo sheegtay in samir looga baahan yahay Soomaalida oo dhan.

“Waa in ay macallimiintu caawiyaan dadkooda iyo dalkooda [oo ay duruusta dib u bilaabaan],” ayay yidhi Cabdi, oo aysan carruurteedu waligood iskuul dhigan barnaamijkan dawladda ka hor sababta oo ah qoysku ma aysan awoodin lacagta iskuulka lagu dhigto.

Isha: Sabahi Online