Xaggee ayuu ku dambeyn doona khilaafka kasii daraya ee DF iyo Jubbaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa cirka isku shareertay kadib markii Axmed Madoobe uu qabsaday doorasho gaar ah.

Doorashadan oo shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa markale madaxweynaha Jubbaland loogu doortay Axmed Madoobe, taasi oo horey loo sii ogaa, maadaama uu asaga qaban-qaabsaday doorashada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay doorashooyinka ka dhacay maamulka Jubbaland iyo dib u doorashada Axmed Madoobe oo ay ku tilmaamtay “sharci darro”.

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan deg-deg ah ayaa waxay garyaqaanka guud ee dowladda fareen inuu maxkamadda sare ee dalka u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe.

Golaha wasiirrada ayaa qaraarkooda ku cadeeyey in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland ay labaduba baal-marsan yihiin shuruucda dalka, sidoo kalena uu dastuurka Jubbaland dhigayo in labo jeer ka badan uusan hal madaxweyne hoggaami karin maamulka, halka Madoobe uu is dooranayo markii 3-aad.

Haddaba, Xaggee ayuu ku dambeyn doonaa khilaafkan?

Maxamed Mukhtar oo ah fallanqeeye arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafkan oo salka ku haya awoodda labada heer dowladeed, uu ku dambeyn doono sida muuqata in lagu soo laabto waddadii hore.

“Axmed Madoobe inuu noqdo qofka markaas haya maamulka rasmiga ah oo la yirahdo wixii aan qaban karno aan qabano si aanu dalka u sii kala daadan marka ma filayo in hab militari ama dagaal uu dhacayo, balse waxaan filayaa in muddo la kala taagnaan doono marka dambana la isku khasbanaan doono oo la wada-shaqeeyo,” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar.

Waxa uu intaas kusii daray “Dabcan waxaa adkaaneyso inay madashadii ay soo laabato oo ay wada-shaqeyntii ay soo laabato, buuqaan siyaasadeed waxaa laga yaabaa inuu daba-dheeraado uu gaaro ilaa inta ka hartay muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.“

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in khilaafkan oo kale uu hakad galinayo wada-shaqeyntii dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka, taas oo sababeysa in laga mashquulo waxyaabihii hortebinta lahaa sida amniga iyo xasilinta dalka iyo dhaqaalaha.

“Runtii saameyn weyn ayay ku yeelaneysaa ha noqoto kalsoonidii dadka Soomaaliyeed isku qabay sababtoo maamullada waxay leeyihiin kummaanaan dad oo taageerayaal u ah taas marka waxay sababeysaa inay cuqdad soo kala dhex-gasho waxayna sii badineysaa shakiga dadka Soomaalida ah.”