Muqdisho (Caasimada Online) – Ashraf Ghani wuxuu sanadkii 2020 ku soo baxay doorasho qof iyo cod ah oo la isku haysto. Wuxuu ka talinayey 34 ta gobol ee dalka Afgaanistaan ah, wuxuu haystay 300 kun oo ciidan Afgaan ah, 10 kun oo Nato ah, iyo 18 kun shirkado amni ka tirsan.
Sanad kadib 2021, Taalibaan ayaa xukunkii dalka kala wareegtay?
Diblomaasi sare oo Ingiriis ah, Afgaanistaan iyo Soomaaliya ka soo shaqeeyey oo ka soo qaybgalay shir looga hadlayey amniga Geeska Afrika ee horaantii sanadkan Muqdisho lagu qabtay oo ka hadlayey sababaha keenay in sidaa deg-dega ah Taalibaan dalka ula wareegto ayaa sheegay;
1- Loollan, ficiltan iyo khilaaf aan dhammaan oo geesawaynta siyaasadda (political elite) u dhexeeyey, iyo iyagoo xuub caaro ku dhexnoolaa, kana go’naa waaqaca dhabta ah iyo silica shacabku ku noolyahay.
2- Musuq-maasuq, eex iyo maamul xumo baahsan, qabyaalad dhib badan oo aan dhammaad lahayn.
3- Siyaasadda dallaalnimada (deal making) ku dhisan oo siyaasigu meel loogu soo hagaago jirin, mowqif iyo mabda’ lahayn, taasoo u sahashay Taalibaan in ay siyaasiyiin, saraakill ciidan iyo madax maamul sare iibsadaan.
4- Isku halayn xad dhaaf ah iyo ku tiirsanaan ciidamada shisheeye. Saamaynta taban ee dowladaha deriska ah iyo xudduudaha dalka ee ballaqan.
5- Fallaagada oo dhaqaale xoggan soo galo, xiriir caalami ah leh, kuna adag aragtidooda, iyo iyagoo maamul kale ka dhinac dhisatay dowladda, gaar ahaan arrimaha garsoorka.
Madaxda federaalka iyo guud ahaan geesaweynta siyaasada Soomaaliyeed casharo ma ka barayaan arrinka, mise iyagoo hanti urursi, ka dan la’aan dadweyne iyo ajnabi u kala dacwoosho ku jira ayey ka dul dhici doontaa.
W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame