Xog cusub: Barre Hiirale oo dagaal ku ah Kismaayo iyo warar sheegaya in…

Kismaayo (Caasimada Online) – Deeganka Goobweyn oo 8km u jirra Kismaayo, waxaa shalay shir ku yeeshay Saraakiil ciidan iyo odayaal taageersan Corneel Barre Aadan Shire Hiiraale, waxaana ay soo saareyn go’aan ah in ay dagaal ku qaadaan maleeshiyaadka Axmed Madoobe ee ku sugan Kismaayo iyo kuwa ku duulay degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo.

Afhayeenka Barre Hiraale, Cabdirashiid Macallin Gaas oo la hadlay Idaacad ku taalla Muqdisho, ayaa sheegay in shalay deeganka Goobweyn uu ka dhacay shir socday muddo saacado ah kaasoo looga arrisanaayay gardarada qaawaan ee Axmed Madoobe uu ku hayo dadka Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay in saraakiisha ku shiray Goobweyn ay isku raaceyn in ay ku duulaan Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan maamulka Axmed Madoobe.

Waxaa la weydiiyay in ay dagaallami lahaayeen in ay wadahadal lagalaan maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe, wuxuuna sheegay in dhowr jeer ay ku baaqeyn wadahadal balse ay iyaga diideyn.

Dhinaca kale, Waxaa magaalada Muqdisho ku shiray odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Jubbooyinka waxaana eedeen culus u soo jeediyeen IGAD iyo dowladda Soomaaliya, waxaana ay ku eedeeyeen in ay la saftayn Axmed Madoobe.

Siyaasiga Axmed Faarax Ducaale, oo ka mid ah ragga ka hadlay kulanka ayaa wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afeey ku eedeeyay in la safrtay Axmed Madoobe oo isu qabiil yihiin.

Wuxuu kaloo sheegay in xukuumadda ra’iisal wasaare Cabdiweli la safartay Axmed Madoobe oo gacanta ku haya magaaalda Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com