Maxaa loo fasiran karaa aamusnaanta beesha caalamka ee xaalka Xasan Sh?

Guux-siyaasadeed iyo Olole Mooshin Xil-ka-qaadista Madaxweyne iyo Isqabqabsiga Hoose ee Siyaasiyiinta ma aha xaallad ugub ku ah Siyaasadda dalkeenna, maadaama horey loo soo arkay Isqabqabsi noocaasi iyo Loolan Siyaasadeed oo isku beddelay dagaal u dhexeeyo Beelo Soomaaliyeed.

Waayihii adkaa iyo dagaalladdii lagu riiqmay ee ka dhashay Murankii Siyaasadda iyo Loolanka Madaxtinimadda ee Siyaasiyiinta ugu tunka weynaa sannadihii 90-aadkii ayaa ahaa dhacdo xanuun badan oo u baahan in cashar laga qaato.

Laakiinse Siyaasiyiinta Jiilkan iyo kuwii Dowladihii KMG midnaba ma laha Garasho Tanaasul iyo Fulinta Ballanqaaadyadda Waxqabadka ee Beer-laxawsiga jaranjaradda Xilka iska noqotay.

Xildhibaanadda Barlamaanaddii hore iyo kuwa haatan ayaa iyagana marka muddo la joogo soo jeediya Talooyin, si loo turxaan bixiyo qaladaadka Hoggaanka Sare ka jira.

Laakiinse, Talo-soo-jeedintaasi ayaa inta badan loo arkaa mid Ujeedo-siyaasadeed laga leeyahay ama Nacayb-shaqsiyadeed, waxaana inta badan ka dhasha Buuq iyo isqabqabsi iyo in ugu dambeyntii Xildhibaanadda ku kala qeybsamaan Mooshinka Danta Qaranka ku jirto.

Dowladihii KMG marka uu Khilaaf ka dhex dhaco Madaxda Sare waxaa loogu yeeri jirey dalalka deriska, halkaasi oo loogu soo kala garqaadi jirey, waxayna ku khasbanaayeen inay fuliyaan Heshiis kasta oo ay Dowladaha deriska iyo Beesha Caalamka go’aamiyaan.

Beesha Caalamka ayaa ka mideysnaa Fulinta Heshiis kasta, iyadoo Siyaasiyiinta ka hor-yimaada Heshiisyadaasi lagu tilmaamay inay yihiin Qas-wadayaal (Spoilers), isla markaana loogu goodin jirey in Safaradda laga xayirayo, loona arkayo Dembiile-dagaal.

Laakiin, xaalladda xilligan sidaas ma aha, mana jirto Dowlad ama Urur-gobaleed Caalami ah oo Aragti ka bixiyey qaabka ay u arkaan Talo-soo-jeedinta Xildhibaanadda ku baaqay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh is-casilo.

Tan iyo markii ay Xildhibaanadda soo bandhigeen inuu Madaxweynuhu is-casilo, wax war ah kama soo bixinin Beesha Caalamka, gaar ahaan Maraykanka, Britain, EU-da, AU-da, IGAD iyo dalalka deriska.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Beesha Caalamka lug ku leedahay Hindisaha Xildhibaanadda ku baaqay inuu Madaxweynuhu is-casilo, waxaana la hadal-hayaa inay Beesha Caalamka doonayaan Isbedel ku imaan kara iyadoo Sharciga loo marayo.

Aamusnaanta Diplomaasiyadeed ee Beesha Caalamka ayaa muujinaysa inay Dowladaha Caalamka ku qanacsan yihiin Talo-soo-jeedinta Xildhibaanadda ka tirsan Barlamaanka Federalka Somalia.

Dowladaha Caalamka waxay iska ilaalinayaan haddii ay ka hadlaan ama talo ka dhiibtaan Mooshinka Is-casilaadda Madaxweynaha in taasi horseedi karto in lagu cambaareeyo inay faragelin ku hayaan Arrimaha Gudaha ee Somalia iyo in Fowdo Siyaasadeed mar kale ka dillaacda Somalia.

Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka ee ka biyo-diidsan Fikirka Jaallayaashooda ku baaqayo inuu Madaxweyne Xasan Sheekh is-casilo ayaa iyagana galaangal-siyaasadeed ugu jira sidii Mooshinkaasi loo laali lahaa ama daaqadda looga tuuri lahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com