Goodax oo badbaaday iyo Guuleed oo Mooshin cusub laga soo gudbiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow codka kalsoonida siiyay wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka, Cabdullaahi Goodax Barre.

Fadhigga maanta oo ay joogeyn 144 mudane, waxaa codka kalsoonida siiyay wasiirka 115 mudane halka 18 ay oggolaadeen in wasiirka meesha laga saaro maadama uu ku fashilmay wax yaabaha laga rabay 11 ayaa ka aamusay.

Xuldhibaannada wasiirka codka kalsoonida siiyay ayaa sheegay in wasiirka loo baahan yahay in la saxo oo wixii qalad ah loo sheego balse aaney lagu degdegin in xilka laga qaado.

Wasiirka oo isaga xitaa ku sugan kulanka xildhibaannada ayaa cod saday in mooshinka laga keenay cod loo qaado si uu ukala ogaado in uu badbaadayo iyo in kale.

Wasiirka oo labo mar la hadlay xildhibaannada oo markii horre wuxuu codsaday in codka kalsoonida la siiyo markii dambana wuxuu sheegay in uu wax ka badali doono dhaliilaha loo soo jeediyay isagoona intaas ku daray in uu gartay qaladaadka meesha ay ka jiraan.

Dhinaca kale, xildhibaannada baarlamaanka ayaa guddoonka baarlamaanka u gudbiyay mooshin laga keenay wasiirka ammaanka qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana la filayaa in laga dooddo oo kaddib cod loo qaado.

Sidda ka muuqatay wasiirka oo joogay kulanka maanta waxaa uu u muuqday mid baadi doono waayo wax walwal ah kama muuqan, siddaas waxaa oo soo sheegay wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan xarunta baarlamaanka.

Dad badan ayaa aaminsanaa haddii uu wasiirka badbaado in uu badbaadi doono madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda ay ku kacsan yihiin xildhibaanno fara badan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com