Kismaayo (Caasimada Online) Barre Aadan Shire oo ka mid ahaa raggii sheegtay madaxweynaha maamulka Jubba ayaa ka hadlay wasiiro sidddeed ah oo uu magacaabay Axmed Madoobe saakay aroortii.
Barre Hiiraalela oo la hadlay Idaacad Muqdisho ku taalla ayaa sheegay in ka soo horjeedo wasiiradaas wuxuuna ku goodiyay in uu isna magacaabi doono golle wasiiro ah oo gaaraya ilaa 18-wasiir.
Wuxuu ku eedeeyay Axmed Madoobe in uu ka baxay ballan ay horrey u kala galeen sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaas ku daray in uusan aqbali doonin xubnaha wasiirada ee uu magacaabay Axmed Madoobe.
Si kastaba, ma cadda sida ay uga jawaabi doonaan maamulka Axmed Madoobe eedaha uga timid Barre Hiiraale oo ka mid ah rag sheegtay madaxweynaha Jubbaland oo xoog loo saaray magaalada.
Afhayeenka Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa markii uu akhriyay digreeto ka soo baxday Axmed Madoobe oo uu ku magacaabay siddeeda wasiir wuxuu sheegay in ay wax badan kala yareen doono khilaafka la sheegay in uu ka dhexeeyo beelaha deggan Jubbooyinka iyo shaki maalmahan ka dhex jiray Magaalada oo ku aadan soo dhammeestirka maamulka kumeel gaarka ee Jubba.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho