“Bartamaha Jigjiga ha lagu dal-dalo” Siyaasi caana oo ku baaqay dilka Cabdi Iley

Jigjiga (Caasimada Online) – Siyaasiga aan hadalka la gaban ee reer Soomaalida Kenya Faarax Macallin Dawaar ayaa si kulul u weearay Madaxweynaha dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), oo hadda xaalad adag ku sugan.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shalay ka baxay Jigjiga kaddib markii ay ciidamada Federal-ka ah gudaha u soo galeen magaalada kaddibna la wareegeen xarumihii dowladda sida Baarlamaanka iyo Madaxtoyada.

Arntaas waxa ay dhalisay kacdoon shacab oo gil gilay Jigjiga iyada oo ay dadku jidadka ku mudaaharaadeen kaddiba gubeen Kaniisado, iyo goobo ganacsi oo uu ku jiro Bankiga Oromada.

Hase ahaatee, siyaasiyiinta iyo shacabka ayaa dareenno kala duwan ka bixiyey dhacdadaas waxaana ka mid ah Faarax Macallin.

Faarax Macallin waxa uu boggiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku bogaadinayo falka dowladda dhexe ee Itoobiya, isaga oo ku baaqay in gudaha magaalada meel fagaare ah lagu dal dalo Cabdi Maxamuud Cumar.

“Kawaanlaha Jigjiga waa in uu maalin ku yeeshaa Maxkamadda. Waxaan rejeynayaa in ay ku daldalaan bartamaha Jigjiga si ay farriin xoog leh ugu noqoto kuwa laga yaabo in ay ku tacadiyaan bani aadamka. Waxa uu sababay in maxaabiista ay saxaradooda/xaarkooda cunaan halka uu kuwo bandanna ay gaajo u dhinteen. Dr Abiy muddo badan uu sugayey in uu Iley iyo xulafadiisa cadaaladda horkeenno.”

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com