Beel ka mid ah ABGAAL oo ka hor-timid saami qeybsiga xildhibaanada BF (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka beesha Ebakar-gaab Macalin Dhiblaawe oo ka mid ah beesha Waceysle ee Abgaal maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka horyimid saami qeybsiga xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee beeshooda.

Kuraastaan ay beesha Ebakar-gaab Macallin cabashada ka qabto waxay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug, waxayna baaq u direen madaxweynaha Galmudug.

Waxgaradka beeshaan ayaa madaxda dowladda federaalka iyo tan Galmudug ka dalbaday inaan lagu hungoobin in la duudsiiyo kuraas ay iyagu xaq u leeyihiin.

War-murtiyeed ka soo baxay beesha Ebakar-gaab Macallin oo laga shaaciyey shirkaan jaraa’id ayaa lagu soo bandhigay cabashada ay beeshu ka qabto hanaanka loo qeybiyo kuraas ugu darsan beesha Waceysle.

Waxgaradka beeshaan oo warbaahinta la hadlay ayaa beesha Waceysle ka dalbaday in si cadaalad ah sanadkan oo qeybiyo kuraasta, maadaama ay soo dul qaadanayeen mudo dheer oo sida ay sheegeen ay ka maqnaayeen kuraas ay xaq u leeyihiin.

Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id ee waxgaradka beesha Ebakar-gaab