Beel kaliya oo ay 11 qof ugu dhinteen weerarka ka socda Hotel Xayaat + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday Hotel Xayaati ee Magaalada Muqdisho kaasoo weli lasoo afjari la’yahay ayada oo Al-Shabaab ay weli gudaha ugu jiraan.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow, oo qoraal kusoo qoray bogiisa Facebook, ayaa soo bandhigay khasaaro weerarkaas kasoo gaaray beelaha Soomaaliyeed qaarkood, gaar ahaan beesha uu kasoo jeedo.

Macalimow ayaa sheegay in beeshiisa Gugundhabe oo la isku yiraahdo Baadicadde, Jiidle iyo Gaaljecel uu khasaare xoog leh kasoo gaaray weerarkaas, wuxuuna soo bandhigay magacyada illaa 11 qof oo sagaal kamid ah ay kasoo jeedaan Baadicadde iyo Laba Jiidle ah oo lagu dilay weerarka. Wuxuu kale oo uu sheegay inuu jiro dhaawac badan.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Macalimow

Tolka qasaare ba’an ayaa ka soo gaaray weerarka hotel Xayaat.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ah Eebe ha bogsiiyo, runtii waa dhacdo xanuun badan oo ay naftooda ku waayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Gugundhabe 11, Baadicadde 9, Jidle, 2

1- Xaaji Bashir Xaaji Suleymaan Muxumed, 2- Cabdirashiid Cabdi Axmed, 3- Shahiid Axmed Cumar, 4- Axmed Cabdullaahi Ibraahim, 5- Cabdullaahi Abiib Maxumed, 6- Maryan Sheekh Cali, 7- Abdirashid Nuunow, 8- Yusuf Mahad Barrow, 9- Ahmed Cali Xaaji, 10- Nasra Ahmed Cali (Nasra Shiine), 11- Seynab Abdi Maqaar.

Waxa intaa dheer in kaloo dhaawac ah oo cisbitaalada la dhigay oo Eebe uga baryeyno inuu bogsiiyo.

Waxa aan u mahad celinayaa Ciidamada Amaanka oo tiro kale oo ay ku jiraan dad wax gal u ah beesha soo badbaadiyay.

Dadkaas waxa dilay gacan ka xaq daran , waqtigooda ayaa inta ku ekaa , Ilaah waxa aan uga rajeyneynaa Jannatul Fardowsa

Waxa aan sidoo kale tacsi u dirayaa dhamaan inta ku dhimatay weerarkaas oo ay ku jiraan rag aan saaxiibo aheyn oo isla soo kornay.

Innaa Lilaah Waa Innaa Ileyhi Raajicuun.