Beel miiisan leh oo digniin iyo baaq u dirtay maamulka Hirshabeelle: Sawirro

Muqdisho (Caasimadda Online)- Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiin, culumaa’udiin, oday dhaqameedyo iyo waxgarad ka tirsan beel weynta Wacbuudhan Abgaal ayaa waxaa laga soo saaray baaq ku aadan sidii loo sii dayn lahaa odayaal dhaqameedyo u xir xiran maamulka Goboleedka Hirshabelle.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu lafa guray sidii loo sii dayn lahaa odayaasha labada dhinac matalayay oo ka kala socday labadii beelood ee Celi Cumar iyo Cabdalle Caroone oo u dhaxeysay colaaddii ka dhacday deegaanka Burdheere ee degmada Cadale.

Muhiimadda shirkan ayaa u muuqatay sidii beesha Wacbuudhan Abgaal mowqif uga qaadan lahaayeen isla markaana baaq wada jir ugu gudbi lahaayeen maamulka Hirshabeelle, waxay codsadeen in si shuruud la’aan ah loo sii daayo odayaal dhaqameedyada kala matalaya labada beelood ee ku dagaalamay deegaannada Cadale, kana bixiyaan raali gelin, isla markaana waxay baaq usoo jeediyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka codsadeen iney soo fara geliso, farahane aaney ka laaban.

Nabaddoon Axmed Maxamed Calasow oo loo yaqaan Kaanti oo ka hadlay mumaasabadii maanta ayaa ugu horreyn si shuruud la’aan ah uga codsaday maamul Goboleedka Hirshabelle iney sii daayaan waxgaradka labada dhinac oo ka wada hadlayay sidii loo soo afjari lahaa colaadaha labada beel.

“ Haddii aan nahay beel weynta Wacbuudhan Abgaal waxaa ka codsanaynaa maamulka Hirshabelle iney si shuruud la’aan ah usii daayaan waxgaradka labada beelood ee Cabdalle iyo Celi Cumar, waxaa naloo sheegay in dhibaato ay ka haysato nolosha maadaama xorriyadoodii laga qaaday, waa in lasii daayaa cudur daarna laga bixiyaa, sidoo kale waxaan cidsanaa in Dowladda Federaalka arrintan kusoo baxdo” ayuu yiri Nabadoon Kaanti.

C/llaahi Dheere oo ka mid ahaa waxgaradkii ka hadlay ayaa isna baaq la mid ah u diray cid kasta oo ay quseyso sii daynta waxgaradka u xiran maamulka Hirshabelle, sidoo kale Nabadoon Barre Xasan Afrax ayaa isagane codsaday in Hirshabelle sii dayso Oadayaasha dhaqanka maadaama buu yiri ay ka shaqeynayeen sidii loo damin lahaa colaadaha ka jira Deegaanada hoos taga Cadale.

War saxaafadeed ay soo saareen Beesha Wacbuudhan oo aan halkan kusoo lifaaqnay ayaa saxaafadda waxaa u akhriyay C/llaahi Axmed Cabdi

“Qodobada war saxaafadeedka laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah :-

1- In si shuruud la’aan ah lagu sii daayo Sama-doonada labada Beelood ee u xiran maamulka Hir Shabeelle.

2- In la joojiyo weerarada iyo isku dayidda wax loogu dhimo sumcada weyn ee ay bulshada ku leeyihiin Ganacsatada Wacbuudhan.

3- In uu meel mariyo Madaxweyne ku xigeenka Hir shabelle Documentiyadii lagu heshiiyay ay weli saxiixeen Beelaha Colaada iyo dirirtu dhex martay iyo dhammaan Beelihii kale ee walaalaha ahaa ee kasoo qeyb galay oo ay goob joog ka ahaayeen dhammaan siyaasiyiinta iyo Duubabka ugu sareeyo B/Weynta Muddullood.

4- Waa iney Dowladda dhexe ee feferaalka ah soo farageliso arrinta ka socoto H/Shabelle ee ku saabsan colaadda Cadale oo uu maamulka H/ Shabeelle ku guul dareystay.

Waxgaradkii Beesha Wacbuudhan ee kasoo qeyb galay kulankii maanta ayaa waxaa ka mid ahaa Nabaddoon Axmed Gaari, Nabadoon Xasan Cali Gaduudow, Nabadoon Cali Xusewn Xaayow, Maxaa Dhaarte, Nabadoon Axmed Maxamed Calasow (Kaanti), Nabadoon Sayid Cali Macalim Maxamud, Cabdullahi Dheere, Nuur Xasan Cali, Nabadoon Abshir Xasan Googooye, Maxamed Muuse Dheere, Cali Cismaan Nuur, Xasan Cali Maxamed (Ceegaag), Barre Xasan Afrax, Nabadoon Sh. Xasan Ger cadde iyo Nabadoon Cabdulle Shiine.

Qeyla dhaanta Beessha Wacbuudhan Abgaal ayaa kusoo beegmeysa iyadadoo in ku dhaw 10 cisho xiran yihiin Odayaal dhaqameedyo ka kala socday Beeaha Celi Cumar iyo Cabdalle Caroon oo labaduna dirirtu ku dhex martay deegaanno hoos tago degmada Cadale.