Beelaha degmooyinka ay joogaan xildhibaanadii u adeegayey A/Madoobe oo arrin cusub keenay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in muran xoogan uu ka taagan yahay Hanaankii lagu soo xuli lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Muranka ayaa ka dhashay sadbursi ay wadaan Beelo ku hoosnool 3 Degmo oo hoostaga Maamulka Koonfur galbeed kuwaasi oo sheegay inaysan ku qancin qaabka loo qeybinaayo xubnaha Baarlamaanka.

Beelaha wada sadbursiga ee sida aadka ah kaga soo horjeeda qaabka xubnaha loo xulaayo ayaa kasoo kala jeeda Deegaanada Yeed, Caato iyo Ceelbarde kuwaasi oo aan wali la dhicin hanaanka xulista.

Muranka ayaa waxaa ka hadlay Maxamed Xasan Maxamuud oo ah Gudoomiye ku-xigeenka amaanka iyo siyaasada Bakool oo sheegay in muranka uu jiro balse ay socdaan dadaalo Beelahaasi ku nool 3 Degmo lagu qancin lahaa.

Waxa uu sheegay inay wadaan qorshayaal lagu qancinaayo beelahaasi, waxa uuna carab dhabay inuu aaminsan yahay in Beelahaasi ay soo dhaweyn doonaan qorshaha cusub.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale, dadka deegaanada Bakool ka dalbaday iney si dhow ula shaqeeyaan maamulka Bakool ayna usoo gudbiyaan dhamaan waxyaabaha ay ka tabanayaan odayaasha dhaqanka ee soo xulista ku mashquulsan, si aan xuquuqdooda loo duudsiinin.

Geesta kale, Xulista Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed ayaa qorshaha wuxuu ahaa in lasoo gudbiyo mar hore, balse wali caqabad dhanka beelaha ah ayaa hortaagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com