Kay oo sifo yaab badan ka bixiyay xildhibaanada BFS iy qorsho cusub oo uu soo bandhigay (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia Nicholas Kay oo u waramaayay wakaalada wararka Reuters ayaa si qoto dheer uga hadlay howlaha horyaal DF Somalia.

Nicholas Kay ayaa sidoo kale ka hadlay Shir la filaayo in gudaha Bishaani 14-keeda uu ka dhaco Magaalada Muqdisho kaasi oo diirada lagu saari doono arrimaha la xiriira doorashada 2016-ka, nooca doorashada ay noqon doonto iyo qaabka ay ku imaankaraan Xildhibaanada la filaayo inay soo dooran doonaan Madaxweynaha imaan doona.

Waxa uu sheegay in shirkaasi uu muhiim gaar ah u yahay Somalia, waxa uuna tilmaamay in BF Somalia ee iminka jira ay ka buuxaan Odayaal islamarkaana ay ku yaryihiin dumarka.

Waxa uu wareysigiisa ku sheegay in rabitaankooda uu yahay in Somalia ay yeelato Baarlamaan dhalinyaro u badan islamarkaana cadad ahaan ay u wada simanaan doonaan rag iyo dumar si dumarka loo siiyo xubintooda.

Sidoo kale waxa uu farta ku goday in Xildhibaana hadda jira aysan ka dhex muuqan qaybaha kala duwan ee bulshada sidaa darteedna loo baahan yahay in baarlamaanka soo socda uu noqdo mid ay iska dhex arkaan dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Xildhibaanada hadda shaqeeya ayuu ku dhaliilay in badi ay yihiin kuwo howlgab ah, taasina aysan suuragalin karin inay la jaanqaadan wadciga markaasi taagan.

Haddalka Kay ayaa imaanaya xili DF Somalia ay wakhtigeeda kusoo idleysay khilaaf iyo isqabqabsi aan dhamaan taasina ay ragaadisay Howlihii horyaalay Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com