Xiisad beeleed ka Taagan Degmada Beledxaawo iyo Axmed Madoobe oo culees kale soo wajahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xiisad dagaal ay ka taagan tahay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib iska hor imaad maalintii shalay ka dhacay bartaha degmada Beledxaawo oo u dhaxeeyay ciidamo ku sugan degmadaasi.

Ciidamada dagaalamay oo qaab beeleed u abaabulnaa ayaa waxaa xiisad ay ka dhex abuurtay qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ee ku sugan degmada Beledxaawo oo qaab qabiil u kala baxay.

Ciidamadan oo ku dagaalamay Baladxaawo oo u abaabulan qaab beeleed ayaa waxay ka soo kala jeedaan Hal Beel oo isla deegaanka ah,kuwaasi oo todobaadkii u dambeeyeyna gudaha baladxaawo ay ku dhex martey is rasaaseyn sababtey dhaawaca hal askari.

Nabadoon Daahir Aden Yuusuf oo ka mid ah Odoyaasha Degmada Baladxaawo oo wareysi siiyey Warbaahinta  ayaa sheegay iska hor imaadka shalay ka dhacay Baladxaawo in ay ku dhinteen Labo Ruux oo mid ay tahay haweeney,halka ilaa 9 ruux oo u badan dad shacab ahna ay ku dhaawacmeen.

Nabadoonka waxaa uu tilmaamay iska hor imaadku in uu ku saleysan yahay is afgaranwaa xaga Qaba,ilka oo uu dhaxeeya labada Beelood,islamarkaana uu saamayn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee ka jiray Degmadaasi Beled Xaawo, inkastoo saacado ka dib ay mid caadi ah ku soo noqotay xaaladda Degmada,balse weli ay jirto Cabsi.

Odayaasha Dhaqanka iyo Maamulka Jubbaland ee Baladxaawo  ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidii ay u qaboojin lahaayeen Xiisada colaadeed ee ka soo cusboonaatey Baladxaawo,iyagoona Baaq nabadeed ka dalbadey labada dhinac.