Wasiir la saftay weriyayasha laga xiray Universal

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa ka hadlay xariga loo geystay agaasimaha TV-ga Universal iyo wariye Cawil Daahir Salaad oo Muqdisho lagu xiray.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya gaar ahaan wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya ay dadaal dheeri ah u gali doonto sidii xaqooda loo siin lahaa wariyaasha ka xiran TV-ga Universal.

Maxamed Xayir Maareeye, ayaa sheegay in falka lagu xiray wariyaasha uu dhacay isaga oo ka maqan dalka, laakiin haatan uu dadaal dheer sameyn doono.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inuu wareysan doono laamaha amaanka ee xukuumada iyo cidda xertay wariyaasha, kadib xog wareysi marka uu sameeyana uu sameyn doono sidii xuquuqdooda ay u heli lahaayeen wariyaasha xiran.

Dowlada Soomaaliya ayaa jimcihii lasoo dhaafay xabsiga dhigtay Cawil Daahir Salaad iyo Agaasimaha Universal ee bariga Africa, waxaana loo heystaa barnaamijka Dood Wadaag oo ka baxay Taleefishinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com